DAAHIR RIYAALE:- “C/llaahi Yusuf Waa Nin isagoo kursigiisii ku fadhiya jecel in uu cid kasta u hanjabo, waxaana anigu qabaa hanjabaad waxba ku qaadi-mayo”.

Daahir Riyaale

Daahir Riyaale

Halkaan ka akhri

 HALKAAN KA DHAGEYSO JAWAABTA UU KA BIXIYAY DAAHIR RIYAALE

Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu shalay sheegay madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, kaasi oo ahaa in uu maamulka Somaliland ciidamadiisa kala baxo Gobolka Sool iyo in aan la aqbaleynin in ay Somaliland gooni isu taagto.

Madaxweyne Daahir Riyaale oo isagoo ku sii jeeday safar uu ugu amba baxay dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in Somaliland ay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, isla markaana aanan looga baahneyn sida uu u yiri C/llaahi Yuusuf in uu aqoonsado Somaliland.

“C/llaahi Yuusuf waa nin isagoo kursigiisii ku fadhiya hadana jecel in uu cid kasta u hanjabo, waxaana anigu qabaa hanjabaad waxba ku qaadi-mayo, Somaliland-na diyaar ayay u tahay in ay dalkeeda difaacdo, cid ay ka baryeyso gooni isu taaggeedana ma jirto”ayuu yiri Madaxweyne Riyaale oo sheegay in Ninkii Taariikhda been ka sheega ay isaga ay ka hor-imaan doonto oo marka dambena ay wejiga kaga dhici doonto.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxaa uu sheegay in intii uu maamulka Puntland ka talinayay Magaalada Laascaanood uusan waxba ka sameynin, wuxuuna caddeeyay in haatan ay qorsheynayaan in ay magaaladaas oo ay ku nool yihiin dad 100 kun gaaraya ay ka hirgelin doonaan mashaariic kala duwan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in waxyaabaha ay qaban doonaan ay ka mid yihiin in ay dadka helaan biyo macaan oo nadiif ah.

Mar wax laga weydiiyay sida uu u arkayo in qadiyadda Gobolka Sool lagu dayo wada-hadal, isla markaana loo maro dhinaca Garaadada waxaa uu yiri “Horta Garaadada waa kuwii 1991-kii saxiixay in Somaliland Gooni-isu-taageeda uu muqadas yahay, markaa waxaan u maleynayaa dee nin maalinba war ku hadlaya horta isaga ayay nasiib darro u tahay, laakin Somaliland waa dal Umadda Somaliland ku nool oo dhan ay wada leedahay, dal la kala leeyahay ma ahan, go’aankeedana 1991-kii ayaa la qaatay”.

Hadalkan uu sii daayay madaxweynaha Somaliland ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu shalay sheegay in aan laga yeeli doonin sida uu u yiri maamulka uu hoggaamiyo Daahir Riyaale in uu Soomaaliya kala goo-gooyo, isla markaana uu xoog ku qabsado dad gobolladooda jooga.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo uu horay uga talin jiray maamulka Puntland ayaa haatan waxaa ka taliya maamulka Somaliland oo weliba dadka magaaladaas ku dhaqan ku soo rogay canshuur 2% ah.

Source Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

SomaliSwiss

%d bloggers like this: