Ciidamaddii Saldhigga ku lahaa Xaafada Afrikan Villige oo xalay si dhuumaaleysi ah uga guuray fariinsinkooda.

ciidamo3.jpg

 Ciidamada DKMG

Halkaan ka akhri

Ciidamaddii Dowladda KMG ah ee la shaqaysa Gumaysiga Itoobiya oo fariisinka ku lahaa Xaafadda Afrikan Village ee degmada Hodan ayaa la sheegay in ay xalay si dhuumaaleysi ah isaga cararay goobtaas.

Ciidamadan oo fariisin ka dhigtay Xaafada Afrikan Village iyo goobo badan oo ka mid ah degmooyinka Hodan, Wardhiigleey iyo Yaaqshiid kadib markii ay bishii November ee la soo dhafaay soo galeen ayaga oo kaashanay ciidamada Gumaysiga Itoobiya waxayna sabab u noqotay in ay dadka rayidka ahi ay ka barakacaan dhamaan xaafadaha kala duwan ee dagmooyinkaas.

Cidamadan ayaa habeenadii la soo dhaafay lagu qaaday weerarro aad u xoogan oo sababtay in ay soo gaaran qasarooyin fara badan waxaana la filayaa in ka bixitaankoodu uu la xiriiro cabsi ka soo waajahday weerarrada sida joogtada ah ay ula beegsanatyaa xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in ciidamada Dowladda KMG ah ee la shaqaysa Gumaysiga ee ku sugnaa goobtan ay isku dhaceen ciidamada booliska ah ee ku sugan Saldhigga Hodan taas oo sababtay in ay 2 askari ku nafwaydo midkalena uu ku dhaawacmo dagaalka dhexmaray 2 da ciidan ee ka wada tirsan DKMG ah ee la shaqaysa Gumaysiga.

Dadkii rayidka ah oo horay u daganaan jiray Xaafadda Afrikan village iyo goobaha ka agdhaw ayay saaka u suurta gashay in ay soo fiirsadaan guryahoodii kuwaas oo ay horay ugu adkayd in ay arkaan guryahooda dhibaatooyin ay ciidamadu u gaysanayaan dadka rayidka ah awgeed.

Waxaa had iyo jeer dhacdaa in Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ay boob iyo burburin ka gaysta xaafadaha ay soo galaan ayada oo aysan waxba uga tagayn dadka rayidka ah ee tabaalaysan waxayna isugu daraan Dil, Boob, kufsi, Xabsi, jirdil iyo gaboodfallo kale oo naxariis darro ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: