Afhayeenka Ciidamada Uganda oo loogu yeeray inuu ku soo laabto dalkiisa.

afhayeenka-uganda.jpg

 Afhayeenka C. Uganda

 Halkaan ka akhr

Afhayeenka ciidamada Uganda Captain Paddy Ankunda oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la sheehay in looga yeeray dalka Uganda waxaana la hadal hayaa in laga qaaday xilka afhayeenka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Capitan Paddy Ankunda ayaa waxaa la sheegay in laga qaaday Jagadii Afhayeennimo,waxaana loo magacaabi doonaa maalmaha soo socda nin la yiraahdo Gaashaanle Felix Kulayigye oo ah mid kamid ah saraakiisha sarsare ee wasaaradda gaashaan dhiga ee dalka Uganda.

Wargayska the monitor ayaa sheegay in Gaashaanle felix uu u soo anbabaxayo dalka Kenya oo la sheegay inuu halkaas ku qaadan doono duruus la xirirta arrimaha Milatariga waxaana la filaya in uu noqdo hogaanka ciidamada M.Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

wargayska the Monitor uu xaqiijiyay in mansabka Afhayeenka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaliya loo magacaabi doono Captain Brigye Bahoka oo isagu ahaa madaxii dhex dhexaadinta dowlada Uganda iyo kooxda mucaaradka ee LRA.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Afhayeenka oo ku aadan in la badalayo iyo in kale, sidoo kale wargaysku ma sheegin sababaha keenay in afhayeenka laga qaado jagadan oo uu hayay tan iyo markii ay ciidamada Uganda cagaha soo dhigeen ciidda dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: