Advertisements

Diyaarad yar oo loo isticmaalo basaasida oo ku soo dhacday duleedka magaalada Laasqoray.

diyaarad.gif

Diyaarada wax Basaasta

Halkaan ka akhri

Diyarad yar oo nooceedu yahay kuwa laga hago dhulka meel fog ama laga hago maraakiibta dagaalka ayaa waxa ay saaka ku dhacday duleedka magaaldaa Laasqoray meel u jirta 20 KM mana jirin wax dad ah oo saarnaa .

Diyaaradda ayaa la sheegayaa in ay tahay mid wax basaasta waxaana dhicitaankeeda kadib la sheegay in ay u timid Diyaarad Air copter ah, taasi oo baaritaan ku samaysay burburka diyaarada,waxayna kalana baxday qalab, burburkiina isaga tagtay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qaar ka mid ah dadka deeganka ay sheegaeen in diyaaradda awood ahaan ay qaadi karto ilaa 10 qof oo aysan ahayn mid sidaa u sii wayn waxayna intaas ku dareen in hadda lala aaday dhanka buuraha ku harayraysan magaalada.

Warar laga helayo gudaha magaalada ayaa xaqiijinaya in diyaarada burburtay ay ka muuqato calaamad tilmaamaysa in laga leeyahay dalka Jarmalka.

Dhanka kale wararka laga helayo diyaaradaas yar ayaa sheegay in ilaa iyo hada aysan jin wax alaab ah oo laga helay gudaha diyaarada waxaana sidoo kale baaritaano kula dhaqaaqay qaar ka mid ah dadka deegaanka, balse ma jiraan ilaa iyo imminka war rasmi ah oo laga helay diyaaraddaas.

SomaliSwiss  Laasqoray

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: