C/llaahi Yusuf ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in ay si deg deg ah ugala baxdo ciidamadeeda gobolka Sool.

Mad, Yusuf

C/llaahi Yusuf

Halkaan ka akhri

C/llaahi Yuusuf Axmed oo baarlamaanka baydhabo kahadlayay maanta ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo gobolka Sool oo ay xooga ku qabsatay ayuu yiri C/llaahi Yusuf.

C/llaahi Yusuf ayaa hadalkaas ka sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, C/llaahi Yuusuf maalin ka dib markii uu gaaray magaalada Baydhabo, ayuu ugu baaqay maamulka Somaliland in ciidamadeeda si deg deg ah ugala baxaan gobolka Sool, halkaasoo dhowaan dagaalo ay ku dhex mareen iyada iyo maamul goboleedka Puntland, lana wareegay gacan ku heynta gobolka Sool Maamulka Somaliland.

“Somalia iney isku duusho oo ay xoog isku qabsato, iyadoo ula jeedadu tahay in Somalia lakala jar jaro, Dowladda Fedraalka ah in qof walboo muwaadin ah yeeli mahayo, nimanka soo duulay ee maamulka Riyaale uu xogaaminayo laga aqbali maayo dalka iney kala gooyaan, lagana aqbali maayo dad Soomaaliya oo goboladoodii iska jooga iney xoog ku qabsadaan, dabadeedna iyagoo raba iney xoog ku go´aan iney la go´aan laga yeeli mahayo”, sidaas waxaa yiri C/llaahi Yusuf

Dagaalkaasi ayaa waxaa uu sababay in ciidamada maamulka Somaliland ay halkaasi xoog kagala wareegaan ciidamada Maamul goboleedka Puntland.

Laakin C/llaahi Yuusuf ayaa arrintaasi ku tilmaamay in Somaliland ay weerar gardarra ah ku qaaday gobolada maamul goboleedka Puntland uu ka taliyo, isla markaana ay doonayaan in ay dalka Soomaaliya kala weyb-qeybiyaan”, waa sida uu C/llaahi Yusuf hadalka u dhigaye.

Waxaa uu intaasi ku daray in dowladdiisa KMG ah aysan faraha ka laaban doonin arrimaha gobolka Sool, isla markaana ay talaabo kasta oo lagu soo celinayo gacanta maamul goboleedka Puntland qaadi doonto.

Waa markii ugu horeysay ee C/llaahi Yusuf uu ka hadlo arrimaha gobolka Sool, isla markaaga gardarada dusha uga tuuray maamulka Somaliland, ka dib markii dhowaan halkaasi dagaalo qaraar ay ku dhex mareen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland.

Maamulka Somaliland ayaan illaa iyo iminka aan wax jawaab ah ka bixin, lagana war dhowrayaa wixii ay ka yiraahdaan hadalka C/llaahi Yusuf.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Wareysigii Sh. Shariif Al-Jazeera

%d bloggers like this: