Warbixin ay soo saareen Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee ka howl-gala dalka Soomaaliya.

Sudan Ali, the chairman of Elman Human Right

 Sudan Cali

 Halkaan ka akhri

 Warbixin ay maanta soo saareen Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha oo fadhigoodu yahay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa warbixinnadooda ku sheegeen in sanadkii la soo dhaafay ee 2007 uu ahaa sanadkii ugu xadgudubka badnaa dalka Soomaaliya.
 
Labadan Hay’adood oo la kala yiraahdo Dr. Ismaaciil Jicmaale Cosoble iyo Elman Cali Axmed, ayaa waxay isku raaceen in sanadkii la soo dhaafay ee 2007 dhibaatooyin kala duwan loo geystay dad kumaan kun ah oo gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ku noolaa.
 
Guddoomiyaha Hay’adda Elman Inj. Suudaan Cali Axmed ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay dagaallo ka dhacay Muqdisho ku dhinteen 6,501 ruux, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 8,516 qof halka uu sheegay in dad gaaraya 1.5 Milyan  ay ku barakaceen. halka uu sheego in ay jiraan Dumar la kufsaday oo iyana tiro badan.

Mudane Sudaan Cali Axmed waxaa uu sheegay in ay hayaan xog ku saabsan xadgudubyo sanadkii hore ka dhacay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka soo uruuriyeen Isbitaallo iyo deegaanno ay booqdeen, wuxuuna caddeeyay in ay xogtaas soo bandhigi doonaan mar kasta oo looga baahdo.

Madaxa baarista Xad-gudubyada ee Hay’adda Dr. Ismaaciil Jimcaale Mudane C/llaahi Calas Jimcaale ayaa isna wuxuu sheegay in aanu Soomaaliya soo marin sanad Dadka Soomaaliyeed uga xadgudubyo badnaa sanadkii la soo dhaafay ee 2007, wuxuuna sheegay in ay dhaceen xadgudubyo damiiri ah oo lagu kala kacay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Mudane C/llaahi Calas Jimcaale waxaa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho ay waayeen xuquuqdii aas-aasiga ahayd ee ay lahaayeen oo ay ugu horeyso in ay nabadgelyo ku noolaadaan, wuxuuna caddeeyay in haddii aan la joojin xadgudubyadaas ay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho noqon doonto meel lama degaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu hadalkooda ku soo beegmayaa iyadoo sanadkii hore ee 2007 uu shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho uu ugu soo dhamaaday dagaallo, qaraxyo iyo dilal, kuwaasi oo xalay oo ugu dambeysay sanadkii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmai.com

%d bloggers like this: