Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo baaq u jeediyay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaawiga ah, in Sanduuq gargaar loo furo dadka ku dhibaateysan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Prof. Abdi I. Samatar

 Prof. Cabdi Ismaaciil

Halkaan ka akhri

 Baaqa Prof:Cabdi Ismaaciil Samatar oo u jeediyay dhamaan jaaliyaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddada Dibadda in ay gacan ka geystaan taakuleynta malaayiinka qof ee Somaliyeed kuwasi oo dhibaato xoogan ay ku heysato magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.  

Profesorka oo xalay wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa soo jeediyay in sanduuq gargaar loo furo dadka tabaaleysan kaasi oo tabarrucaad lagu soo rido lana soo gaarsiiyo dadka tabaaleysan. 

Warku waxaa uu intaas ku daray in Prfessor-ku uu sheegay in ay muhim tahay shacabka Soomaaliyeed in uu isku kaashado sidi uu dhibaatada kaga bixi lahaa gacan kalena aysan waxba ka sugin, isagoona si weyn u amaanay kaalmadii abaaraha iyo duufaanadii Tsunamiga la is gaarsiiyay. 

Prof.Samatar waxaa uu soo jeediyay in sanduqaas lacageed in bil waliba qofkii qaan gaar ah ee dalka dibadiiba jooga gaar ahaan kuwa Yurub, Mareykanka iyo Australia in ay %2$ lacagta ay helaan ku soo ridaan Sanduuqaas oo uu sheegay in noqon doonto taageero wanaagsan. 

Waxaa jira Malaayiin qof oo Soomaali ah kuwaasi oo dhibaateysan gudaha  iyo hareeraha magaalada Muqdisho halka kuwa kalena ay daadsan yihiin degmooyinka kale ee dalka, mana jirto cid si toos ah u kaalmeysa dadkaasi guryahoodii kaga tagay dagaalada Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

SomaliSwiss Wakiilka Mareykanka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: