Advertisements

Ugu yaraan illaa 150 qof ayaa ku dhintay rabshado aad u waaweyn oo ka dhacay dalka Kenya, sababo la xiriira dhanaca doorashada oo lasheegay in lagu shubtay.

Kenya

Rabshado Waaweyn

Halkaan ka akhri

Ugu yaraan illaa 150 qof ayaa ku dhintay rabshado aad u waaweyn oo ka dhacay dalka Kenya, kadib muran ka dhashay doorashooyinkii madaxtinimada ee todobaadkii hore ka dhacday waddanka Kenya.

Kenya

Weriyeyaal badan oo tagay Magaalada Kisumu ayaa ku waramay in ay arkeen dadkaasi la dilay, waxaana ay sheegeen in ay ku yaaleen xabado lagu dhuftay dadkaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in booliiska ay rasaas ka fureen dadka bannaanbaxa sameynayay.

Telefishinka KTN ayaa waxa uu sheegay in tirada guud ee dadka rabshadaha ku dhintay guud ahaan dalka ay tahay 124 qof.

Rabshadaha ugu badan ayaa ka dhacay magaalada dhinaca galbeed ku taala ee Kisumu halkaasi oo ay ku badan yihiin taageerayaasha ninka xaqa u lahaa madaxweyna nimada ee laga maroogsaday ee Raila Odinga.

Booliiska ayaa mamnuucay bannaanbax uu ku baaqay Raila Odinga in la sameeyo oo lagu diidanaa natiijada doorashada ee guddiga doorashada ku dhawaaqeen, kaasoo uu sheegay in uu isaga xaq u lahaa, laguna shubtay.

Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqeen inuu guuleeystay, laakiin musharaxa la tartamayay ee mucaaradka Raila Odinga ayaa sheegay in doorashooyinka lagu shubtay oo guushii laga dhacay.

Magaalada Nairobi iyo magaalada xeebta ku taala ee Mombasa ayaa sidoo kale lagu soo waramay rabshado waaweyn in ay ka dhaceen dhibaatooyin baaxad lehna geysteen.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: