Advertisements

Dagaal afar geesood ah oo caawa lagu qaaday ciidamada Dowladda KMG ah ku sugan meela badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho.

war degdeg ah

Dagaal Xamar

Halkaan ka akhri

Salaadiii Makhrib ka dib xiliga Magaalada Muqdisho ee caawa ayay Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed weeraro Qorshaysani ku qaadeen fariisimada kala duwan oo ay ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga ka deganyihiin degmada hodan ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan:-
Afrikan Village, / Saldhiga Degmada Hodan, / Isgoyska KPP (agagaarka Masjidka Sh. Cali suufi), / Fagaaraha Tarabuunka, / Garoonka Ciyaaraha ee Horseed ee degmada hodan ee magaalada muqdisho.

Dagaalkan shan geesood ah ayaa waxa ay xoogaga muqaawamada Soomaaliyeed u adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha garbaha laga rido ee loo yaqaano sabanada, hubka kale ee sida daran dooriga u dhaca iyo waliba waxyaabaha kale ee qaraxa intaba.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan isla markaana laga maqlayay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada muqdisho ayaa qaarkiis waxa uu socday mudo 1 saac ah.

Dagaalkan ayaa xoogiisa ka dhacay Afrikan Village Saldhiga Degmada Hodan Isgoyska KPP (agagaarka Masjidka Sh. Cali suufi) ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa Madaafiic xoogani ku garaacay xaafadaha Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho taas oo aan illaa iyo hadda la sheegi karin khasaaraha ka dhashay xiliga oo habeen ah iyo waliba dad faro ku tiris ah oo xaafadahaasi ku haray.

Lama sheegi karo illaa iyo hadda inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ah ee caawa soo gaaray ciidamadaasi, balse waxaa la filayaa in ay jira karaan khasaarooyin naf iyo malva leh oo soo gaaray.

Dhinaca kale guutooyinkii caawa fuliyay howl-galkaasi ayaa la sheegayaa in ay si nabad ahi ay uga soo laabteen howl-galkaasi qorshaysnaa.

Weeraradan ayaa ku soo beegmaya iyada oo xalay ay Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed weeraro culusi ay ku qaadeen fariisimo kala duwan oo ay ka deganyihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa sharciyaynaya joogitaankooda ee Uganda iyo waliba kuwa la shaqeeya intaba.

Sidoo kale weeraradan ayaa ku soo beegmaya iyada oo 72 saac ee u dambeysay la khaarajiyay saddex xubin oo ka mid Mas’uuliyiinta Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya .

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: