Advertisements

Afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar Roobow oo shaaca ka qaaday inay xalay si kulul u xanuunjiyeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

abu mansoor

Abuu Mansuur

Halkaan ka akhri

 War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa wax iska caabinta Islaamiga ah ee Al Shabaab oo ka mida Kooxaha ka dagaalamo magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay Mas’uul ka ahaayeen dagaaladii xooganaay ee Xalay lagu qaaday Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Uganda. 

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Afhayeenka Ururka Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in Mujaahidiinta Al Shabaab ay Xalay waxyeelo Xanuun badan ay u geysteen  Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo Maleeshiyada dowlada Soomaaliya ee u adeegto Gumeysiga . 

Abuu Mansuur oo waraysi Siiyay warbaahinta Xurta ah ee Muqdisho ayaa tilmaamay in ay gulo ka gaareen dagaalkii xalay islamarkaana ay sii wedayaan dagaalka ay kula jiraan wax uu ku tilmaamay Gumaystaal iyo gumaysi kal kaal. 

Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa si wayn isaga fogaysay Mas’uuliyada qasaaraha Nafeed ee soo gaaray dadka Maatada ah, Waxaa la waydiiyay Abuu Mansuur Cidda qaadayso Mas’uliyada dhimashada dadka rayidka ah ayaa sheegay in ay qaadayaan kuwa ku soo duulay oo uu ula jeedo Ciidamada Cadawga Itoobiya ee ku sugan guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho .

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: