Advertisements

Sarkaalkii u qaabilsanaa dowladda KMG iyo Ciidamada Gumaysiga Ethiopia, dhaca iyo bur-burinta Suuqa Bakaaraha oo Saakay la khaarajiyay.

garamgaram.jpg

Garamgaram

Halkaan ka akhr

Waxaa saakey ku geeriyooday Talyihii ciidamada dowladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya qaybta ka hawlgalaysa Suuqa Bakaaraha gaar ahaan “Isgoyska Bakaaraha” oo lagu magacaabo Garam-Garam ayaa maanta Qarax Miino oo lala beegsaday kuna geeriyooday.

Miinadan oo ah nooca laga hago gacanta ayaa waxaa lagu aasay meel uu fariisan jiray Maalin walba oo ku taala Isgaoyska Bakaraha si uu u kormeero hawlaha ciidamadiisa oo ay saldhigoodu yahay Isgaoyska Bakaraha.

Marka ay miinada ku qaraxday Taliyuhu ayaa la’arkay asagoo jiskiisa cad cad u gògo’ay islamarkaana ay ag yaalaan qorya noocayadooda lagu sheegay in ay ahayeen 1 PKM iyo 4 kale oo ah nooca AK47 waxaana la xaqiijiyay in uu geeriyooday.

Garam-garam ayaa horjooge u ahaa maleeshiyadii ay Jidgooyadu u taalay Isgayska Bakaaraha xilligii hogaamiye kooxeedyada isla markaana ka mid ahaa Saraakiisha Sar-Sare ee Maxamed Qanyare Afrax wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa hawl-wadeenadii ugu fir-fir coonaa Isbahaysigii la magac baxay La dagaalanka Argagixisada iyo Soo celinta Nabada oo ay xubna ka ahaayeen dhamaan hogaamiye koxeedyadii Muqdisho.

Garam-garam ayaa waxaa lagu xasuusan karaa inuu ahaa qof ku caanbaxay ku dhaqanka waxa dhiba dadweynaha, wuxuu Jidgooyo dhib badan u taali jirtay mudo ku dhawayd 16 sano Isgoyska Bakaaraha taas oo lagu wax yeelayn jiray dadka iyo gaadiidka adeegsada wadadaas iyada oo maleeshiyooyinka uu madaxda u ahaa ay dadka rayid ka ah kula kici jireen falal isugu jira Dil Boob iyo Kufsi, balse hadda ayey qorneyd inuu ku dhinto Miinada saakay kula qaraxday asagoo horseed u ah howlgal lagu baadayo dadweynaha aan waxba galabsan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo kordhaya hawlgalada xoogagga muqaamadu ay ku khaarajinayaan xubnaha DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga ayada oo tani ay tahay midkii sadexaad ee lagu khaarajiyo sarkaal ka tirsan Dawladda muddo 48 saac gudahood ah, waxayna astaan u tahay in ay gabagabo ku jirto hagardaamooyinka ay iska kaashanayaa xubnahan iyo ciidmada gumaysigu.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: