Advertisements

Waxyeellada uu gaystay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo Ciidamada Gumeysiga ku soo hoggaamiyeen shacabka Madaafiic.

dhaawac5.jpg

Dhaawaca Xalay

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho Iska hotimaad aad u culus, kaasoo waxyeeleeyey dadbadan oo maata ah, kuna gubtay guryo badan, balse qasaaraha ka dhashay madaafiicdii xalay ay ciidamadda gumaysiga Itoobiya ku garaaceen qaybo magalada Muqdisho ayaa waxaa isa soo taraya waxyeellada uu gaystay inay aad u badan yihiin, hase ahaatee melaha ay madaafiicda ku dhacday waxaa ka mid ah dagmooyinka Yaaqshiid iyo dayniile ee magaaladda Muqdisho.

Madaafiicdan ayaa kuwii ugu xumaa waxay ku dhaceen agagaarka dugsigii sare ee Jeneral-daa’uud dhinaca Suuq-bacaad kaas oo ay ku baaba’een qoys dhan oo ka koobn 8 qaf oo 5 k amid ah ay ahaayeen caruur, isla xaafadda Jeneral-daauud ayaa madfac ku dhacay guri ay dad rayid ahu daganaayeen waxaa ku dhaawacmay 2 caruur ah iyo hooyadood kuwaas oo la sheegay in ay xaaladoodu culus tahay.

Sidoo kale Xaafadda Gubta ee dagmada dayniile ayaa waxaa dhaawac ku soo gaaray 2 qof oo rayid ah kadib markii ay madaafiic ku soo dhaceen goob ay ku sugnaayeen waxaana dhaawacooda lagu sheegay in uu sahlanyahay.

Ilaa hadda lama hayo faah faahin buuxda oo ku saabsan qasaarooyinka ay gaysteen madaafiicda xalay lagu garaacay meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho waxase la qiyaasayaa in khasarooyinku ay ka badan yihiin inta hadda laga war hayo.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay duqayn aan arxan lahayn la dhacaan xaafadaha ay dadka rayidka ah dagan yihiin mar walba oo ay dagaal isaga hor yimaadaan Xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed, taasoo keentay sababta dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah.

SomaliSwiss Wakiika Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: