Gen. Cadde Muuse oo Qiray in Afduubkii hore ee Weriyihii dalka Faransiiska la bixiyey lacag dhan illaa $100,000

cade muuse xersi

Cade Muuse

Halkaan ka akhri

Gen. Cadde Muuse oo Qiray in Afduubkii hore ee Weriyaha Faransiiska la bixiyey $100,000, iyo in afduubayaashaasi isku khilaafeen lacagtaas ay afduubka cusub geysteen…

  • “Waxaan maqallay in ay isku khilaafeen lacagtaas ($100,000) oo qaar ka mid ah inta ay ka tageen ay yool cusub raadsadeen.” Gen. Cadde sida ay werisey Reuters.
  • Afduubayaasha haysta labada dumarka ah waxay dalbayanaa $250,000 – AFP oo soo xigatey Radio Nacional ee Spain.
gen cadde muuse puntland
Gen. Cadde Muuse

Sida ay werisey hay’adda wararka ee Reuters, madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse oo habeenkii Axaddu soo geleysey (Dec 30, 2007) la hadlayey weriyayaal ayaa qiray in kooxda afduubka ku haysata labada shaqaalaha MSF-Spain in ay dalbadeen lacag madax furasho ah.

Cadde Muuse oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: “Waxaan wada xiriirnay afduubayaasha. Waxay noo sheegeen in la haystayaashu ay wanaagsan yihiin, waxayna weydiisteen lacag madax furasho ah,” ayuu yiri Cadde Muuse u sheegay weriyayaal, waxana uu intaas ku daray “Ma rabo in aan sheego tirada lacagta, laakiin si kastaba ha ahaate lacag madax furasho ah lama siin doono,” ayuu yiri. [Cadde Muuse xalay oo Axad soo geleysey ayuu tegey Boosaaso isagoo ka soo kicitimay Garoowe.]

Gen. Cadde Muuse waxa kale oo uu sheegay in ay su’aalo weydiinayaan dad uu ku sheegay xubno ay xireen.

Waxay sheegeen kuwa afduubkan geystey ay yihiin kuwii hore u afduubay weriyihii Faransiiska ahaa Gwen Le Gouil oo ay soo daayeen siddeed beri ka bacdi (Markii la bixiyey lacag madax furasho ah), ayey tire Reuters.

Waxay u muuqataa in kooxdaasi ay isku khilaafeen lacagtaas, oo uu Muuse ku sheegay $100,000 ayey tiri Reauters.

Gen. Cadde oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Waxaan maqallay in ay isku khilaafeen lacagtaas oo qaar ka mid ah inta ay ka tageen ay yool cusub raadsadeen.”

  • Dec 26, 2007 mar uu Gen. Cadde Muuse waraysi siiyey Idaacadda Codka maraykanka ayuu ka leex-leexday in uu qiro lacagta madax furashada ah ee la siiyey afduubayaashii weriyaha Faransiiska ah, isagoo dhahay “annagu waa diidney wax lacag ah ma siin.”. [Dhegayso Wareysiga Cadde audio clip]

Dhanka kale, sida uu weriyey Raadiyo Spanish ah (Radio Nacional) waxa uu sheegay in afduubayaasha haysta labada dumarka ah ee ah shaqaalha MSF-Spain in ay dalbadeen lacag madax fursho ah oo dhan $250,000, sida ay wersiey hay’adda wararak Faransiiska ee AFP oo warka intaas ku dartay in dawalaha Spain iyo Argintine ay sheegeen in aysan warbixintaas helin.

Afduubayaasha ayaa Boosaaso ka qafaashay labada dumar ah oo kala ah Mercedes Garcia, 51-jir ah dhakhtarada u dhalatay dalka Spain iyo Pilar Bauza, 25-jir ah oo ah kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay dalka Argentin.

  • Wararka aanu horey uga helnay ilo wargal ah ayaa sheegay in khilaafka lacagta uu ka dhex dhashay afduubayaashii (wariyaha Faransiiska) iyo xubno ka tirsan Maamul goboleedka Puntland kaddib markii xubnaha ka socdey DGPL ay afduubayaasha u dhamaystiri waayeen lacagta lagula heshiiyey oo ay qaar la hareen maamulku, waa sida warku sheegay’e.
  • Sidoo kale warar horey noosoo gaaray ayaa tibaaxay in afduubayaasha labada dumarka ah ee MSF in dalab-koodii ugu horeeyey ee madax furashada in uu ahaa lacag dhan $250kun – Hoos ka akhri wararkaas hore.

Gen. Cadde Muuse ayaa intii uusan Xalay (Axad) iman magaalada Boosaaso, waxa uu golihiisa wasiirada kusoo daray wasiiro uu hore u casiley.

Warkii Reuters ee Axadda Halkan ka ka eeg:

 SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: