Gumeysiga Ethiopia
Halkaan ka akhri
Gaadiidleyda iskaga kala goosha Gobolka Hiiraan iyo dhulka Somali-Galbeed ayaa sheegaya in Ciidamo cusub oo ka yimid itoobiya ay degeen degaanka “Kala Bayrka” ee Gobolka Hiiraan, iyada oo ay halkaasi baaritaano xoogan kawadaan xiligan.
Ciidamadan oo lagu sheegay in ay yihiin kuwo aad u fara badan ayaa ka soo kicitimay xiligan Magaalada Feer feer ee dhulka S/galbeed isla markaana ahaa ciidamo horey uga soo ruqaansaday Magaalada Guriceel ee gobolka gal-gaduud.
Gaadiidleyda ayaa intaa ku daray in ay ciidamadaasi heegan aad u sareeya ku jiraan isla markaana ay baarayaan gawaarida kala duwan ee halkaasi ka soo gudbeysa, kuwaas oo isugu jira kuwa waa weyn iyo kuwa kaleba
Ma cadda illaa iyo hadda dhaq-dhaqaaqsi ciidan ee ay sameeynayaan ciidamada Gumeysiga itoobiya balse Warar hoose ayaa sheegaya in ay isu diyaarinayaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen weeraro xoogan oo ooga yimaada xoogaag muqaawamada Soomaaliyeed ee ka dagaalamaya dhamaan gobolada dalka Soomaaliya ee ay ka joogaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay ciidamada Gumeysiga itoobiya qaarkood ka baxeen magaalada Balad-weyne isla markaana ay ka baxeen deegaanka guri-ceel ee gobolka gal-gaduud, taas oo ay dadka qaarkood ku tilmaameen in xiriir la leedahay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka jira goboladaas.
SomaliSwiss Hiiraan
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Hiiraan, Somalia |
You must be logged in to post a comment.