Banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ka wadaan dalka Soomaaliya oo ka dhacay Portland, USA.


Bannaanbax USA

Halkaan ka akhri

 (29-12-2007) Banaanbaxa ay iskugu yimaadeen boqollaal dad ah ee ka kala  yimid  New England, USA, gaarahaan gobalada  Maine, Massachutes,, Vermont iyo New Hampshire  ayaa ka dhacay beerta weyn ee xuriyadda( Monument Square ee  Portland),. Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa muujiyey sida ay uga careysanyihiin ciidamada Itoobiyaanka ee dilka, dhaca iyo xasuuqa ay ka wadaan dalka Soomaaliya gaar ahaan xasuuqa ay u geysanayaan dadka ku nool magaalamadaxda Soomaaliya ee Muqdishu.


Dadweynahaas ayaa  erayo ay ku camaaberynayaan joogitaanka ciidamada Itoopiyaanka sida  sawirada ay muujinayaan waxaana halgudhegooda  ka mid ahaa “haka baxeen ciidamada sharcidarada ku jooga dalka Soomalaaliya” “haka baxeen Ciidamada Xabashida dalka Soomaaliya” waxaa kaloo halku-dhegyadooda ka mid ahaa “ Mareeykanka ha joojiyo taageerada uu siinayo ciidamada Itoobiya ee xasuuqaya dadka Soomaaliyeed ee aan hubeysneen”.  “Mila Zanaawi ha dhaco” iyo halkudhegyo kaloo  fara badan.

Dibadbaxaas lagu diidanyahay ciidamada Itoobiyaanka ee ku soo duulay dalka Soomaaliya ayaa ahaa mid ay dadka Soomaaliyeed mooqifkooda ku mideysnaayeen cambareynta Ciidamada Itoopiyaanka.

Markey taariikhdu ahayd Disemebr 28, 2006, ayaa ciidamada xabashida ku soo duuleen dalka Soomaaliya.  Dibadbaxaas oo ku  aadanaa  maalintaaas ayaa wrar-fidiyeenada ka soo qewybgalay ee halkaas  joogay  ayaa indhahooda ku arkeen  dadka soomaaliyeed oo iskugu jirey haween, caruur odayaal iyo dhallinyaro careysan, waxayna warfidiyeentaasi ka marqaati kaceen dilka murugada leh ee ku cadaa sawirrda iyo boorarka ay banaabaxayaashaasi wateen.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: