Ururka wadaniga dhalinyarada somaliyeed ee sudan oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen dhalinyarada wadamada carbeed.

dhallinyarad.jpg

 Shirka Dh. Carbeed

Halkaan ka akhri

Shir oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyarada Boqortooyada dalka urdun lagu qabtay magaalo xeebta ah ee CAQABA  Bishan December dhexdeeda ayaa waxaa looga hadlayey ilaalinta deegaanka badaha iyo saameynta ay ku yeelan karto isbadalada cimilada aduunka

dhallinyarad3.jpg

Shirkaasi oo lagu casumay dhallinyarada wadamada carbta sida:- JORDAn, MASAR-SUDAN, MORITANIA, PHALESTINE, TUNISIA, SAUDI ARABIA, ARAB IMARATES, QATAR, KUWAIT, BAHRAIN iyo JAMHUURIYADA SOMALIA ayadoo uu u matalayay dalka soomaaliya URURKA WADANIGA DHALANYARADA SOOMAALIYEED EE DALKA SUDAN oo ay oga qeyb galeen sadex xubnood oo ka socday  ururka waxaana ka ah:-

1-MD cali cabdi caziiz mukhatr (QARIIDI YARE) gudomiyaha ururka.

2-MD liban c/rashiid cali              XOG.arimaha dibada.

3- MD ibrahim c/raxman sh. bashiir     Xubin shirkaasi oo ay dawlad waliba soo bandhigtay waxqabadka dalkeeda ee ku aadan ilaalinta xeebaha iyo deegaanka badda.

Wafdiga somalia u matalayey shirkani ayaa soo bandhigay dhibaatada heysata xeebaha iyo badda soomaaliyeed isagoo u gudbiyey wufuuda carbeed ee shirka kala soo qeyb gashay qoraalo ay ku muujinayaan sida murugada leh ee badaha soomaaliyeed looga dhigay meel qashin-qub caalami ah, taasoo looga faa’ideesanayo maqnaashaha dawlad adag oo awood u leh ilaalinta baddeeda iyo deegaankeedaba tan iyo intii ay dhacday dalwadi dhexe ee somalia sanadkii 1991.

dhallinyarad1.jpg

Ururka wuxuu ka codsaday ka soo qeyb galayaasha shirka inay kala qeyb qaatan sidii adduunka loogu soo bandhigi lahaa dhibaatada heysata badaha soomaaliya isla markaana loo soo hortaagi lahaa maxkamad caalami ah  cid kastoo ku xad gudubtay badda somaaliya, una adeegsatay goob qashin-qub ah.

Dhallinyara Carbeed ee ka soo qayb galay shirka waxay ballan qaadeen inay u howl galayaan codsigaasi uga yimid wafdiga dhalanyarada somaliyeed ee shirkaasi ka qeyb galay .

Uga dambeyntii waxaa shirkas hadal qiimo leh ka jeediyey xoghayaha guud ee ururka dhalanyarada carbeed iyo deegaanka Mr. Rashwan c/ xakiim isagoo ka codsadey kasoo qeyb galayaasha shirkaasi sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka jirta badaha wadama carbeed gaar ahaan xeebta soomaaliya, wuxuuna si gaar ahaaneed uga balan qaaday inuu u gudbin doono xoghaya guud ee jaamacada carabta Mr. Camir mussa iyo wasiirada deegaanka ee wadamada carbeed oo shirkooda soo socda ka dhici doona bilowga sanadka cusub 2008 CAIRO  – EGYPT .

dhallinyarad2jpg.jpg

Gabagadadii iyo gunaanadkii waxa uu ururka wadaniga dhalanyarada soomaaliyeed ee sudan uga baaqay, kana codsaday bulshaweynta Soomaaliyeed inay dhawraan isla markaana ilaaliyaan xeebaha dalka hooyo kana qeyb qaataan ka hortaga nabaad guurka deegaanka soomaaliya.

waxaa diyaariyey:-

Xoghaynta warfaafinta iyo dhaqanka ee ururka dhalliyarada

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: