Magaalada London ee Dalka Ingriiska oo laga dhigay Bannaabaxa Maalintii Madoobeed ee Umadda Soomaaliyeed.

Daawo Sawirada

 Halkaan ka akhri

Waxaa shalay magaalada London ee dalka biritan ka dhacay banaanbax aad loo soo qaban qaabiyay oo ay ka soo qeyb galeen dad aad ufara badan oo ka badnaa ilaa 2000 qof inkastoo la filayey in dad intaas ka badan ay yimaadaan, balse waxaa la sheegay inuu hakiyey roob iyo qaboowgii dhacayay dartiis.

Sida la wada ogsoon yahay shalay waxay ahayd maalintii madoobeed ee ay soo galeen cadow geeni soo jireenka ahaa dalkeena hooye oo ilaa iyo hadana ku sugan.

Muddo Hal sano ayaa ka soo wareegatay maalintii lagu soo hoggaamiyey Ciidamada Cadowga, balse waxaa la hubaa inay kala kumeen Jabweyn Iska horimaadyada Xoogagga gumaysi diidka Soomaaliyeed.

Shalay dadkii isugu soo baxay bannaanbaxa ayaa waxay ku dhawaaqayeen „Ethiopia out of somali” iyo waxay kaloo halkaas lagu soo bandhigay xasuuq ii ay ka gey teen magalada Muqdisho, muddada halka Sano ah ee ay ku sugnayeen gudaha Soomaaliya.

Daka bannaanbaxayey ayaa waxaa wajigoodu ka muuqday tiiraanyo, waxayna la xanuunsanaayeen dhibka ay qabaan walaalahood ku sugan gudaha soomaaliya, waxayna ballan qaadeen inay hiil iyo hooba ay ku garab taagnaan doonaan inta ay ka baxayaan Cadowga raba inuu gumaysto dalkeena.

Dibed-baxyo kale oo kuwan la mid ah ayaa waxay sidoo kale ka dhaceen wadamada Yurub, dalka Mareykanka iyo magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah ugu beegnaa sanad kadib markii ciidamada Ethiopia ay soo galeen Soomaaliya.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: