Bannaanbaxyo aad u waaweeyn oo ka kala dhacay wadamada Findland & Denmark, (Daawo Sawirada iyo Video-ga).


Daawo Sawirada

Halkaan ka akhri

(28-12-2007) Boqolaal soomaali ah ayaa isugu soo baxay Mudaaharaad ka kala dhacay Magaalada Helsinki ee wadanka Findland & Copenhagen ee wadanka Denmark.

Magaalada Helisinka Banaanbaxyaasha ayaa isugu yimid banaanka hore ee barlamaanka Finland halkaas oo hadalo qiiro wadaninimo xambaarsan laga soo jeediyey.

Xaaji Axmed Xijji oo xubin ka ah ururka dib u dhisida iyo dib u xoreeynta Soomaaliya, isla markaana kamid ah Soomaalida ku nool dakla Finland! waxa uu aad ugu dheeraaday cadaawada soojireenka ah Ethiopia iyo Soomaaliya ka dhaxeysey, hadal gaaban oo uu halkaa ka jeediyey ka bacdi waxaa bilowday socodkii mudaharaadka, waxaana dadku ku dhawaaqayeen ereyo english iyo afka Finnish-ka ah, tusaale ahaan ereyada afka finlandeyska ee banaanbaxayaashu ku dhawaaqayeen waxaa kamid ahaa ” LOPETTAKAA KANSANMURHA” STOP THE GENOCIDE, “BUSH ON MURHAJA” BUSH IS KILLER. intaa kadib waxaa socod dheer kadib la tegay safaarada Mareykanka ee dalka Finland halkaas oo masuuliyiin ka socda safaarada loogu gacan geliyey qoraalo lagu muujinaayo sida dhammaan dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan uga xunyihiin gacansiinta Maraykanka ee Ethiopia iyo xasuuqa aan kala go’a lahayn, barakicinta, bililiqada iyo boobka kajira Soomaaliya.

Halkaan ka daawo wadaniyiinta Soomaaliyeed allaha ka abaal mariyee ee ka qayb qaatay Mudaaharaadka.

Daawo Video-ga

 

——————————————————————————–

Bannaanbax si fiican uga soo qayb galeen bulshawaynta soomaaliyeed ee ku nool wadanka Denmark ayaa ka dhacay magaalada Copenhagen,

Dad tiradooda lagu qiyaasay 500-700 ruux ayaa maanta bannaanbax weyn oo ay ugu baroordiiqayaan sanad guuradii ka soo wareegtay markii ay Ehiopia qabsatay dalka soomaaliya , gaar ahaan magaalada muqdisho isugu soo baxay magaalada kobenhagen..

Dadkaasi oo isugu soo baxay fagaaraha weyn ee loo yaqaan R├ądhuspladsen oo ah barxada uu leeyahay aqalka laga maamulo magaalda copenhagen hortiisa,. Waxaana Soomaalidii ku banaanbaxaysay barxadaasi ay dareenkooda ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan xusuuqa & barakaca ay ciidamada Itoobiyaanka ah ka geysteen magaalada Muqdisho, waxeyna banaanbaxayaasku ku qiiroonayeen oraahyo lidi ku ah dowladaha Itoobiya & Mareykanka, iyaga oo ka codsaday dowladda Denmark in ay door muhiim ah ka qaadato sidii ciidamada Itoobiyaanka dalka looga saari lahaa.

Waxaa halkaasi hadal qiiro leh oo ah af-soomaali , af deenish iyo af-engiriisi ku soo jeediyay Axmed Faarax Ducaale ah gudoomiyaha guud ee jaaliyadaha wadanka Denmark. Ducaale oo ka hadlay sababta ay dowladaha caalamku ugu aamusan yihiin xasuuqa ay ciidamada Ethiopia geysanayaan, waxa kalifay in caruurta Soomaaliyeed iyo haweenka Soomaaliyeed ay gumaadaan ciidanka xabashida iyo weliba in uu u diray dokumenti maxkamda internationalka ah in la soo taago dhammaan dadka geystay tacadiyadaas.

Ducaale ka dib waxa hadalkii qaatay Aweys Sh. Yoonis oo isagana ku nuux nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay in la midoobo iyo in meel qur ah looga soo wada jeesto cadawga umada Soomaaliyeed.

Dumarkii halkaa isugu soo baxay oo inta badan hormuudka ka ah abaabulka mudaaharaadyada oo aad u tiro badnaa ayaa iyagana qaar ka mid ah waxay soo jeediyeen baraanbur qiiro iyo wadaniyad leh.

Ugu dambeyntii Sh. Cabdikariim oo ah xubin ka tirsan gudiga fulinta ee jaaliyada ugu balaaran Denmark ayaa ka soo jeediyey warbixin taariikhda madow u leh umada Soomaaliyeed, isagoo uu Sheekhu ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay in la iska ilaawo qabiilka iyo isku riix riixa beelaha, loona tafa xeyto sidii midnimo loo unki lahaa, taas oo ah sida kaliya ee loogu adkaan karo cadawga umada soomaaliyeed.

Halkaan ka daawo wadaniyiinta soomaaliyeed allaha ka abaal mariyee ee ka qayb qaatay Mudaaharaadka.

%d bloggers like this: