Afhayeenkii Maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Muxyadiin Cali oo maanta Muqdisho lagu khaarajiyay

afhayeenka-uganda2.jpg 

Max. Muxyadiin

Halkaan ka akhri

Waxaa saakay subaxnimo qarax miino ah oo lala beegsaday Maxamed Muxyadiin Cali oo ahaa Afhayeenka maamulka Maxamed dheere xilli uu ku sugnaa Dagmada Kaaraan ee Caasimadda Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa mid aad u xoogan oo sababay in dhaawac halis ah ka soo gaaro afhayeenka kadibna waxaa loola cararay Isbitaalka Keydsaneey kaas oo waxyar kadib uu ku geeriyooday.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa xubnaha ugu sareeya maamulka Maxamed Dheere ee la shaqeeya gumaysiga islamarkaana ahaa xubin firfircoon oo ka dhex muuqda maamnulkiisa.

Waxaa kal hore uga badbaaday Qarax noocan ah oo lala damacsanaa in lagu khaarajiyo Afhayeenka asaga xilli uu gaarigiisa ku marayay meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala degmoda Kaaraan kaasoo gaarigii  gabi ahaanba burburay asagoo aan waxyeelo ka soo gaarin.

Xubnaha DFKMG ah ee la shaqeeya gumaysiga Itoobiya ayaa si joogta ah loola beegsadaa weerarada noocan oo kale ah kuwaas oo looga gol-leeyahay sidii loogu khaarajin lahaa.

Nin la socday afhayeenka xilligii isbitalka loola cararayay ayaa waxa uu sheegay in Miinadu ay ka gaartay dhanka Madaxa isla markiina uu u geeriyooday dhaawacaas.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Qaraxa Miinada mid kamid ah Ilaalada Afhayeenka kaasi oo lagu magacaabo Kuulow, waxaana dhaawaca uu kasoo gaaray dhanka Gacanta.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: