Wasiiradii ugu Magaca dheeraa ee Dawlada Mwai Kibaki iyo isaga laftiisa oo Af ka ciida loo daray, iyo Raila Odinga oo ku guuleystay Doorashada dalka Kenya.

Raila Odinga

Doorashada Kenya

Halkaan ka akhri

Wasiiradii ugu Magaca dheeraa ee Dawlada Mwai Kibaki iyo isaga laftiisa oo Af ka ciida loo daray, iyo Raila Odinga oo ku guuleystay Doorashada dalka Kenya.

Doorashadii shalay ka dhacday dalka Kenya ayaa lagu tilmaamay in ay ahayd doorashadii u-kululayd uguna xamaasada badneyd Doorshooyinkii dhacay ilaa iyo intii Shacabka Kenya Xornimada Heleen, Kumanaan Kenyaan ah ayaa shalay safaf dhaa dheer ugalay sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen iyagoona aad ugu faraxsanaa in ay dortaan qofka ay jecel yihiin.

Dhacdooyin layaab leh ayaa ilaa iyo haatan kasoo baxay Doorashooyinkaan waxaa ka mida dhacdooyinka oo dadku ay la yaabeen in Kuraastii Barlaamnka ay Waayey Xubno Muhiim ah oo aad looga qadarin jiray dalka Kenya kana mid ahaa Dawladihii hore ee kala duwanaa iyadoo mar qura markii ugu horeysay Ragaan waayey Kuraasti Barlamaanka ayaa qarkood lafilaaya in ay Noqdaan oo ay qabtan jagooyinka dalka kuwa ugu sareeya.

14 Wasiiradii ugu magaca dheeraa ee Dawlada Madaxweyne Kibaki ayaa waayey Kuraastii Barlamaanka waxaana kamid ah Ragaas Madaxweyna Ku xigeenkii Dalka Kenya Moody Awori.

Sidoo kale Kuraastii Baarlamaanka waxaa waayey Wasiiro Magac ku lahaa dawlada Kibaki oo ay Ka mid Yihiin Ragaas, Musikari Kombo, The ministers include Musikari Kombo, Newton Kulundu, Kipruto Kirwa, Moses Akaranga, Simeon Nyachae, Njenga Karume, Raphael Tuju, David Mwiraria, Mohamud Abdi Mohammed, Morris Dzoro, Suleiman Shakombo, Mutahi Kagwe and Paul Sang.

Dhamaan Magacaydaas aan soo dheegnay ayaa ahaa Rag ka wada tirsanaa Dawladii Madaxweyne Kibaki kuwaasoo ka hayey jagooyin sar sare balse haatan waayey xittaa kuraastii Barlamaanka, Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirkii Arimaha Dibada Wasiirki Warfaafinta iyo Wasiiro kale aya waayey Kuraasti Barlamaanka.

Waxaa soo galay Barlamaanka Cusub ee Dalka Kenya Xubno wada cusub oo Rag iyo Dumar-ba leh walow ay Ragu badan yihiin, Dhamaan Wariyeyaashii Gudaha iyo Kuwii Dibada ee ku guda jiray ka war bixinta Doorashada guud ee Dalka Kenya ayaa haatan isugu Tagay Xarunta Gudiga Doorashada Kenya ee E C K-da lagu magacaabo waxaana halkaasi lagu wada sugayaa ugu Dambayn Natiijada Guud ee Doorashada.

Ugu dambeyntii waxaa doorashooyinkaasi ku guuleystay Raila Odinga, halka uu madaxweyne Kibaki ku guul dareystay, sidaasina ay guusha madaxweyne nimada ku raacday Raila Odinga.

SomaliSwiss Nairobi Kenya

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: