Munaasabad lagu xusayay Sanad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay marakay Ciidamada Gumaysiga Ethiopia soo galaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Gumeysiga Ethiopia

Ciid. Gumeysiga

 Halkaan ka akhri

Munaasabad lagu xusayay Sanad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay marakay Ciidamada Gumaysiga Ethiopia soo galaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Barqanimadii saaka abaare 10:30, ayaa munaasabad si heer sara ah loo agaasimay lagu qabtay hoolka shirarka eeAmbasoira Hotel ee magaalada Asmara ee hada xarun ku meel gaara uh Isbahaysiga Dibxoraynta Soomaaliyeed. Munaasabadaan uu ku saabsanayd sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay markii xoogaga gumaysi Ethiopia ay soo galeen caasimada Soomaaliya December 28, 2007.

munaasabadaan ayaa waxaa soo agaasimay qaar kamida madaxda Sar sare ee Isbahaysiga, waxaana kamida labada gudoomiye ku xigeen ee Isbahaysiga Mr. Zakariye Xaaji Cabdi iyo Jan. Jaamac Maxamed Qaalib, sidoo kale ku simaha Gud. Golaha Dhexe Mr. Shariif Saalax, sidoo kale Xoghayha Arimaha Dibada Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheg), xubno badan oo ka tirsan labada Gole ee Isbahayiga, Safiiro ka socda Safaaradaha Ajnabiga ah (Carabta iyo Yurub), iyo dhamaan qaybaha warbaahinta, kuwa dalka Eritrea iyo kuwa caalimi ah sida Aljazeera.

Munaasabadaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay, khudbado kala duwan oo ku baxayay Afka-Carabi iyo English, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay munaasabadaas Filimo kooban oo tusinaaya, baaxada khasaare ee ay gaysteen mudadii halka sano ahayd ee ay dalka xooga ku haysteen, dhibkaas oo isugu jira, kufsi dhac dil, burburin, boob iyo xabsi sharci daro ah, oo aan maxkamadayn jirin.

Ugu dambayntii su’aalihii ugu muhiimsanaa waxaa kamida, waxa ay ku talaabsan doonaan haday u suurta gasho in ciidamada gumaysiga ka xoreeyaan dalka?

Su’aashaas ayaa si wada jira waxaa uga jawaabay, labada ku xigeen ee Golaha Fulinta, Mr. Zakariye iyo Jan. Qaalib, “oo labaduba ku nuux nuuxsaday in aysan jiri doonin madax ay ku qasbaan umadda soomaaliyeed, cid shisheeya oo ku qasbi kartaana aysan jirin, balse ay samayn doonaan dib- u heshiisiin Qaran, taas oo dhamaan qaybaha Soomaaliyeed isugu imaan doonaan, iyaga xor ah, aan lagu faragashan ay u doortaa Madax ay ku raali yihiin una qalma in ay umada ka samata bixiyaan dhibka ku habsaday”.

SomaliSwiss Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: