28-ka December, Maalin Murugo & Gocosho badan, Maalmuhu kala wanaagsan, Dadkuna kala Ayaan wacan, Shucuubtuna kala Aaya hagaagsan..

Aaway Somalia

Aaway Somalia

 Halkaan ka akhri

(28-12-2007) Maalmuhu kala wanaagsan, Dadkuna kala Ayaan wacan, Shucuubtuna kala Aaya hagaagsan, Adduunkuna waa mareeg Maalmuhu ku wareegaan, Maalmuhu waxay isugu jiraan: Qaraar iyo Macaan, Xun iyo Wanaagsan, Madow iyo Cad, Murugo iyo Farxad, jaadadkaas maalmaha waxay yihiin hadba sida ay u soo marto Qofka, Bulshooyinka, Shucuubta, Umadaha iyo Qaramada, tilmaantaa ay qaadanayso maalmuhu waxay kaga imanaysaa saamaynta iyo raadka ay reebto maalintaas Nolosha Dadka, iyo natiijada ka dhalata, sargoynta maalinta waa wixii dhaca oo dhacdooyina 24-ka saac ee ay ka kooban tahay iyo sida ay u hareyaan Nolosha.

Aaway Somalia

Soomaaliya waxay soo maartay maalmo kala duwan: maalin xun iyo maalin wanaagsan, haba u badnaadeen maalmaha xun, iyadoo waliba ay heerar kala ahayd marka lagu sameeyo is barbar dhig, maalmaha xun ee na soo maray, waxaa ugu sii xumaa burburkii Dawladda, 17-kii sano ee murug maarugta, colaadaha iyo dagaalada sokeeye, ee Dalka ku baahday gees-ka-gees Fawdada iyo jaantaa rogan, 17-kii sano ee tiiha lagu jiray iyo xarig jiidka aan dhammaadka lahayn, waxaa Soomaaliya soo maray maalmo kala sarreeya kuna duwan(soocan) xummaanta, maalinba waxay maalin noo dhibto, waxay soo muujisay maalintii ugu xumeed dhammaan maalmaha!, waxay soo ban dhigtay maalinteedii ugu murugada badnayd wixii maalmo la soo maray idayl!, waa maalinma maalintaas?, waxaan ku qaadi dhigi doonna qormadeennaa.

Maalmaha la soo maray
Maantaynu Noogniyo,
Maalmaha la sugayee
Ma 28-ka Decemberee
Maalin la maida maqasheen?
Malamalayn maxay Tari?
Mala’awaal muxuu Qaban?

Maalin yahay Madoobee
Murugada Badneedee
Magaalooyinkii Dalkaygee
Muqdishoo Anuunka ah
Maxmiyad ku Tuurtee!
Misfinoo Maciinee
Miles Gacan ka Galisee.

Maalin yahay qarabinee
Masiibada lahaydee
Mugdi Galisay Aayee
Mowdkiina Badisee!
Mindhaciradiina Gowsee.

Mooryaan adeegtoo
Maqaawiir Quwaaxoo
Maankooda Fadhinoo
Magac aan lahaynoo
Madax sheeganaysoo
Masuulnimo u Dhiibtee
Midigtood ku Sallintee.

Madaafiic Garaacii
Marastii qaxeenoo
Maatadiina Le’atee
Muluqyadiina Salashee.

Miskiin Xoogsanaayiyo,
Macalinkii Baraayiyo,
Mowlu maal kis haystee
Maalin yahay Maxbuustee.

Mudashada Wanaaggii
Mowlow Ilaahow
Maalintaan xumaysee
Magaceena Bi’isee
Miyaanay Qiyaasnayn?!

Ma Dunidaa nadayacdoo
Meel nagu Ilowdoo
Mus Jaan nagu Xootayoo
Marnaba noo dhimrinoo
Mise inagaan Nuglaynoo
Maamuus u Qalminoo
Mudnaynin Qaranimoo
Madax bannaani Garanayn!

Miyaad naan lahayn Dhiig?!
Ma dareenaanan Qabin?!
Maad sidaan is dhaantaan?!
Macruuf maad samaysaan?!
Midnimo wada Guddoontaan
Mowqif wada Qaadataan
Mar wada Istaagtaan
Maya, fara galin tiraahdaan
Militari Shisheeyana
Ma rabnba Tiraabtaan
Markaasaa Sharaftiyo,
Magac Qaran yimaada
Mahdintuna Xigaysaa!!!.

Maano Deel Qaaf ah, ama Maansada Qalin-Ku-Qorka Qoraaga.

Dhismihii Maxkamadaha & Isbahaysiga la gaalanka Agagixisada:

Burburkii Dawladdii dhexe ka dib, Dalku wuxuu soo maray marxaldo kala duwan, horraantii sanadkii 2006-da waxaa magaalada Muqdisha ka hana qaaday dhaqdhaqaaq xoogan oo ay hor kacayeen Wadaaddo huwanaa magac Maxkamado Islaam, wax yar ka dibna uu dhex maray hardan io dagaal Qabqablayaashii kala qoqobay Magaalada Muqdisha, iska hor imaadkii ugu horreeyey wuxuu dhacay 18-kii Feberayo isla sanadkii 2006-dii, ka dib Magaalada waxaa ka dhashay laba gaashaan buursi oo kala ah: Ururka Isbahaysiga la Dagaalanka Argagixisada & soo Celinta Nabadda, oo lagu dhisay Degmada Dayniile oo xarun u aheed Maxamed Qanyare, Isbahaysigaan oo ay u idlaayeen dhammaan Dagaal oogayaashii Magaalada Muqdisha kuwooda ugu caansanaa, waxayna isugu jireen aas-aasayaashii Isbahaysigaan: Qabqablayaal, Ganacsato, iyo Wasiiro ka tirsan Dawladdda Empagathi, sida: Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Finish, Barshiir raage Shiiraar, Cabdi Waal, Isbahaysigaan oo taageero dhaqaalo u fidisay Dawladda Maraykanka, waxaa kale oo Magaalada looga dhawaaqay: Midowga Maxkamadaha Islaamka, oo ay ugu cadcaddaayeen raggii hor boodayey: Col:Xasan Daahir Aways, Xasan Turki, Yuusuf Siyaad Indha Cadde, Shariif Sh. Axmed, iyo qaar kale oo badan, hardankii iyo loolankii dhex maray Maxkamadihii iyo Qabqablayaashii waxaa ku itaal roonaaday Reerkiina usoo haray wadaadadii Maxkamadaha, Dagaal oogayaashiina noqdeen: hal Laash ku Tahriiba, hal Caddaysta inuu Toobad keenay(Yuu u Toobad keenay?) iyo sidii caadada ahayd hal Xabashida dabada gashta, halkaana ka soo abaabula dagaal dhuumaalaysi ah!.

Wada hadalkii Maxkamadaha & dawladda Embagathi:

Maxkamadihii waxay waqti gaaban gacanta ku dhigeen Magaalada Muqdisha(Unugga Dhibka Soomaaliya), waxayna billaabeen is ballaarin iyo dhul fidsi, Soomaaliyana waxay soo jiidatay indhaha Dunida, waxaa billowday dhaqdhaqaaq xoogan, waxa isla dhawaaqay Caalamkii hal mara oo yiri: dawladda iyo Maxkamaduhu waa inay wada hadal furan, ka dib waxa furmay Shirkii Khartoum 15-kii July 2006-dii, wuxuu ku soo dhamaaday in la joojiyo Colaadaha iyo af dagaalka, la isna aqoonsado wada hadalkana la sii wado, balse Nasiib darro wada hadalkii u dhexeeyey Maxkamadaha iyo Dawladda Empagathi wuxuu ku soo afjarmay guul darro, waxaana lagu kala dareeray shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Khartoum 30-kii October ee dabayaaqadii isla sanadkii 2006-dii, waxaana ka dib bilow hub urursi iyo qoryo isu diyaarsi, maalintaas Maxkamaduhu waxay ka talinayeen ugu yaraan: 7 gobal, sadax arrimood way la gudbooneed inay mid ku dhaqaaqaan oo kala ah: Dalka waxaa jirta Dawladd Federal ah sidaa darteed inay ku dhawaaqaan Maamul gobaleed, kan xiga inay Dawladda la galaan wada hadal dhab ah oon ku xirnayn shuruud, kana qayb qaataan awood waybsiga Dalka, waa tan ugu danbeysee waxay ahayd: inay dhul ballaarsiga ku daraan hoyga Dawladda Empagathi ee Baydhabo, oo ku qabsadaan dagaal iyo cudud military, iyana waxay suura gal ahayd wixii ka horeeyey bishii 7-aad ee July, wixii ka dambeeyeyse waqtiga Wadaadada waa ka ku soo yaraaday!.

Bootin Libaaxle, Kuftin Dawacaale!

Maxkamadihii way is mahddiyeen, waxay u maleeyeen inay sidaan Dawlad Islaam ku dhisi karaan, kuna fidiyaan Geeska iyo Bariga Afrika, balse murti ayaa waxay leedahay:(Tuke Nasiib uu Caano ku helo wuu leeyahay, balse Kas uu ku Cabo mallahan!), Wadaadadu waxay nasiib u yeesheen inay gacanta ku dhigaan Muqdisha (Unugga Dhibka Soomaaliya), nabadna ku soo dabaalaan, haddana waxay hanan waayeen inay uga faa’iidaystaan inay ku raadiyaan Qaran Soomaaliyeed, waxay billaabeen inay iclaanshaan (Jihaad) ay ku qaadayaan Ethiopia(Itoobiya), si toos ahna u sheegeen inay Iidda Arafo ee soo socoto ay ku Iidaysan doonaan Addis Ababa, dhanka kale Ethiopia(Itoobiya) waxay sheegtay inay difaaci doonto Dawladda Empagathi haddii wareer ugu yimaado dhinaca Wadaadada Maxkamadaha, si toos ahna dagaalkii wuxuu u wareegay dhanka Ethiopia(Itoobiya) oo qadka si toos ah u soo gashay, waxaa bilowday dagaalkii ka dhacay Gobalka Baay oo ay ka qayb qaateen diyaaradaha dagaalka ee Xabashida, oo duqayn u gaystay Garoonka Diyaaradaha ee Balli-doogle, Maxkamadihii waxay dhowr maalin ka dib isaga carareen jiiddii hore ee dagaalka, waxay banneeyeen Maagaalooyinkii ayq absadeen, gaar ahaan: Beledwene, Jawhar, iyo Muqdisha, iyadoon wax dagaal ah ka dhicin, baqa cararka Maxkamadaha wuxuu noqday mid lala yaabay oo ku tilmaamaan: Bootin Libaaxle, Kuftin Dawacaale!, maxaa yeelay Xabashidu iyaga ayaa ku Iidaystay Magaalada Muqdisha!, Wadaadadiina waxay noqdeen hal qaxootinio ugu carara dibadda sida: Shiriif, iyo hal Kaymaha Jubbooyinka ku dhoomaalaysta sida: Xasan Turki, sidii Qabqablayaashu u carareen ayey iyana u carareen!!!.

Galitaankii Xabashida ee Muqdisha!!!

Ciidanka Xabashidu wuxuu horay u caadaystay inuu ku soo xad gudbo soona galo xadka uu Soomaaliya la leeyahay,gaar ahaan gobalada iyo degnooyinka ku teedsan xuduudka sida: gobalka Gedo, Bakool, Mudug iyo Galguduud, balse 28-kii December waxay Ciidanka Xabashida ee qalabka sida soo galeen Magaalada Muqdisho, Xaruntii Dalka, Xuduntii wadanka, Hoygii Umadda, maalintaas waxay ahady maalin Murugo leh, waxay ahayd maalin Tiiraanyo leh, waxay ahayd maalin Xanuun badan leh, waxay ahayd maalin Wadani kasta oo Soomaaliyeed is waydiiyey sida ay wax u socdaan?, iyo sida ay wax u dheceen?, waa hubaal in wadaniyiin badan ay la ilmeeyeen maalintaas waxa dhacay?, ayna ku reebtay gocosho iyo xusuus aan kala go’ayn inta ay Nool yihiin, 28-ka December maalin kala barta taariiqda Soomaalida, wixii la soo maray ee sooyaal ah iyo waxa soo socda ee la xiriira Aayaha, maalin taariiq cusub u bilaabatay Soomaalida, maalin ay xusi doonto taariiqdu, balse waa su’aale maxay ku xusi doontaa?!, maxay ku sheegi doontaa?!, maxay ku tilmaami doontaa?!, siday uga warbixin doontaa?!.

28-ka December, waxay caro iyo ciil ku abuurtay inta ay ku dambayso laabtooda dareenka Wadaninimo, heer ay ku sigteen inay is daldalaan ama is marjiyaan, Xabashidu marka ay soo galeen gudaha Magaalada Muqdisho, waxay isla markiiba baro Ciidan ka dhigteen: Astaamihii Qaranka, Barihii laga maamuli jiray Dalka, sida: Wasaaraddii Gaashaan-dhigga, oo ahayd halka laga bixin jiray amaradii dagaalkii 77-ban, ee dhax maray labada Dal, waxay kaloo degeen Villa Soomaaliya, Aqalkii Madaxtooyada, taasina waxay daliil marag ma doonto ah u tahay Ujeedada gurracan ee xabashidu la maagan yihiin Soomaaliya, bal u fiirso Ciidankii Huwantii ee UNISOM, ee Soomaaliya yimid horraantii sagaashamaadkii, marna ma degin baro tilmaamaysa Astaan Qarannimo, sidoo kale eeg Ciidamada Ugandha waxay ku ekaadeen garoonka Diyaarada iyo Dekedda weyn ee Muqdisha, balse waxa Xabashidu u dageen Wasaaradda Gaashaan-dhigga, Xaruntii Xisbiga Hanti Wadaagga kacaanka Soomaaliyeed, iyo Villa Soomaaliya, waxay muujinaysaa danaha ay usoo galeen Soomaaliya ayna ku doonayaan inay Soomaaliya ku sii haystaan!.

Soomaalidu ma waxay sugaysay 28-ka December oo kale?, Xabashse ma ku soo dhacday inuu Muqdisho ku dhex maro Dabaado gaashaaman iyo Cudud Military?, dabcan taas waxaa ugu yeeray wadaadadii Maxkamadaha, waxaana ku marti qaaday Dawladda Empagathi, waa la yaab in Xabashku wuxuu xeelad iyo xoog ku qaadi waayey in Soomaalidu u suura galiso, una sahasho sidii ay u xaqiijin lahaayeen!, 28-ka December waa maalin uu la Ciroobay Sabiga Soomaaliyeed, Cirroolana uu la Calaacalay, Xaamiladiina ay la dhicisay, xanuunkeeda awgeed iyo walbahaarka ay wadato darteed, 28-ka December maalin billow u aheed dhibkii Soomaaliya ku habsaday sanadkii 2007-da, Dhimashada, Dhaawaca, Qaxa, Bara-kaca, Xasuuqqa, iyo Boobka Hantida Dadweynaha, 28-ka December maalin mugdi galisay Aayaha Soomaaliya, maalin la garwaaqsay Dulliga iyo Ducfiga ay Soomaaliya dul sabbaynayso, 28-ka December maalin dib usoo noolaysay Dagaal-oogayaashii daashaday Soomaaliya, maalin kor u qaadday Tabcanayaasha Yigreega, maalin Xushamadaysay Xigaalada Xabashida, 28-ka December maalin Murugo!, Maalin Naxdin!, Maalin Gocosho!, Maalin Xumeed!, Maalin Tiiraanyo!, Maalin Haydaarro!, Maalin dareen!, Maalin Dhiillo!, Maalin walaac!, Maalin Walaahood!, Maalin Walwal!, Maalin Balaayo!, Maalin Dullinimo!, Maalin Gunnimo!, Maalin qiyaano!, Maalin Lur!, Maalin Marooro-Dillaac!.

Guntii iyo gabagabdii ka sheekaynta maalinta 28-ka December way dheeraanaysaa, tilmaamiddeduna kama yara, balse waxaan ku so oaf meerayaa qormadeenna qayb ka mid Hees ay qaaddo Fannaanadda Saafi Ducaale,Heestaan oo hal ku dhaggeedu yahay: Salaan Macaan, Heestiina waa tan:

Wixii jeer la soo Maray
Waxa Maanta Joogiyo,
Maalmaha Muhiimka ah
Waa Macalin kuu dhiga
Murtidiyo Maahmahday
Kuu marinayaanee.

Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com.
Tripoli-Libya.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: