Xiisaddii afduubka Shaqaalaha MSF-Spain oo wali taagan iyo Booliska Puntland oo ku guul dareystay awood kusoo furashada.

msf-spain

MSF-Spain

 Halkaan ka akhri

Waxaa wali ka taagan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Xiisadii afduubashada Shaqaalihii Hey’adda MSF Spain iyadoona ay Ciidamada Maamulka Puntland ay ku guul dareysteen xoog kusoo furashada shaqaalahaasi.

Wariyeyaal ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Shaqaalaha Hey’adaasi ee haweenka ah lagu heysto deegaanka Biya Kulule ee 20 km u jra magaalada Boosaaso ee dekadda leh.

Shaqaalahaasi oo u kala dhashay dalalka Spain iyo Argentine ayaa shalay kooxo hubeysan ka afduubteen meel ku dhaw xarunta MSF ee Boosaaso iyadoona kooxihii afduubtay ay ula baxsadeen dhanka Deegaanka Biya Kulule.

Ciidamada Puntland ayaa isku dayay xalay in ay awood kusoo furtaan shaqaalaha laakin waa awodi waayeen markii kooxihii afduubtay ay ka baxasdeen goobihii lagu tabayay.

Dhacdadaasi ayaa kusoo aaday maalin uun kadib markii lasoo afjaray afduubka Saxafi Faransiis ahaa oo kooxo hubeysan ay ku afduubteen isla magaalada Boosaaso iyadoona lagu sii daayay saxafigaasi lacago madax furasho ah.

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: