Ra´isal Wasaadii hore ee dalka Pakistan Banezir Bhutto oo ku geeriyootey qarax lagula beegsaday Rawalpindi Pakistan.

Benazir Bhuto

Halkaan ka akhri

RAWALPINDI, Pakistan Ra´isal wasaaradii hore ee wadanka Pakistan, Benazir Bhutto, oo xalliyadaan ahayd hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn ee mucaaradaka ku ahaa madaxweynaha Pakistan berves Musharraf, ayaa goor dhow ku geeriyootey qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday.

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo ay ku geeriyootey Raisal wasaarihii hore ee wadanka Pakistan Benazir Bhutto, ayaa waxaa kula dhintay dad ka badan 24 qof, waxayna haweyneydaani ka qudbeyneysey banaabax uu xibigeedu soo abaabuley oo lagu taageerayey siyaasaddeeda wadanka pakistan.

“Xiddigeedii wuxuu dhacay 6:16 p.m.,” sidaas waxaa yiri Wasif Ali Khan, oo ka tirsan xisbiga Benazir Bhutto, xilligaasna ku sugnaa Isbitaalka guud ee magaalada Rawalpindi, oo haweeneyda loo qaaday qaraxa kadib.

“Benazir waa shahiiddey,” sidaasna waxaa yiri, sarkaal xisbigeeda ka tirsan oo lagu magacaabo Rehman Malik. Ms benazer Bhutto waxay jirtey 54sano.

SomaliSwiss@otmail.com

%d bloggers like this: