Himilada iyo Siyaasadda Amniga Qaranka iyo Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ee “Dimuquraadiga” ee Itoobiya.


Siyaasadda Ethiopia

 Halkaan ka akhri

 » Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Af-Soomaali loo rogey::: Waa qoraalkii ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya, waxaana uu qeexaya ujeedada dhabta ah iyo siyaasada Itoobiya ay ka leedahay dalka Soomaaliya….

***XUSUUSIN: Qoraalkani waxa uu ka soo baxay “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya” – ka hor intii aan ciidamadeedu gelin Muqdisho Dec 28, 2006

Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya

a) Taariikhda iyo asalka xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya

Xiriirka ka dhexeeya dowladda Itoobiya iyo Soomaaliya weligiisba ma aheyn mid caafimaad qaba. Marka la eego taariikhda dhow ee Soomaliya iyo Itoobiya, waxaa dhex marey hal dagaal oo yar iyo mid weyn.

Riyada maran ee waxa loo yaqaan Soomaali Weyn oo ah Siyaasad is-ballaarin ah ayaa u keentey Soomaaliya wax aan ka aheyn colaad/din iyo iska hor-imaadyo ay la gashey dalalka la dariska ah, gaar ahaan dalka Itoobiya.

Waxaa intaa dheer, Soomaaliya weligeedba waxay la safan jirtey kooxo iyo waddamo ay rumeysantahay in ay ka soo hor jeedaan dalka Itoobiya waddamadaas iyo kooxahaas oo carqaladeeyey Nabadda Itoobiya.

Tan waxaa la sii xiriirtey, in Soomaaliya ay ku guuleysatey in ay kiciso tiro weyn oo Soomaalida Itoobiya ah si ay u noqdaan kuwa Soomaalida kala qayb gala in ay fuliyaan siyaasaddooda is-ballaarinta ku dhisan. Marka taas la eego, Itoobiya waxay weligeed u ballaqneyd hujuumaad cabsi leh oo uga imanayey Soomaaliya iyo goobo kaleba.

Itoobiya, iyadu dhinaceeda, intii ay hujuumka uga yimid Soomaaliya uga jawaabi laheyd in ay ixtiraamto xuquuqda Soomaalida Itoobiya iyo in ay kobciso walaalnimada ka dhexeysa dadka Itoobiya si ay Soomaalida Itoobiya ugu dhex noolaadaan ugana mid ahaadaan iyagoo xor ah dalka Itoobiya, ayey dowladda Itoobiya waxay u jeesatey sidii ay u kala dhantaali laheyd Midnimadii Dadka iyo Dalka Soomaaliya iyadoo dowladda Itoobiya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay arrintaas gurracan u fulin laheyd intey la gaartaba ama u suurta gasho.

Siyaasaddan waxay aheyd mid looga jawaabayo gardarrada Soomaaliya si dagaalka loogu raro Soomaaliya dhexdeeda si ay markaa taa u suurta gashana waxaa la sii huriyey iska soo horjeedka ka dhexeeya qabaa´ilka Soomaaliyeed.

Si asal ahaan ah oo laga noqon Karin ayuu xaalku haatan isu beddeley. Fikraddii Soomaali Weyn way fashilantey.

Hadda waxaa la sii marayaa 10 sano Soomaaliyana weli dowlad iyo Qaran matala ma leh oo waa dowlad la´aan.

Dhanka kalena, Itoobiya, Dastuur xuquuqda dadka Ilaaliya oo suga ayaa laga hirgalinayaa.

Soomaalidii Itoobiyana waxay la nool yihiin walaalahooda kale iyagoo si xor ah ula midoobay Itoobiyada kale si wadajir ahna ula difaacaya Dhalashadaas Itoobiya iyo Jiritaankeeda.

Si wadajir ah ayaa Itoobiyaanka iyo Soomaalida Itoobiya waxay ugu nool yihiin shucuur sinnaan, dimuqoraaddiyad, hormar iyo u dhalasho Itoobiya.

Wadajirkaas oo ku taagan tiirar ad-adag oo wax ka taraya dhismaha waddanka. Unuglaanshadii Itoobiya ay u nugleyd khatarta fikradda Soomaali Weyn aad ayaa loo yareeyey.

Dhanka kale, burburka iyo kala tagga Soomaalia laftigiisu wuxuu keeney khatar kale oo sii kordheysa marba marka ka danbeysa.

Dhibaatada ka taagan Soomaaliya waxay oggolaatey in diin ku adeygga Soomaalidu uu xiddiddeysto. Soomaaliya waxay gabbaad iyo marin u noqotey argagixisada iyo kooxaha diintooda ku ad adag.

Curiyayaal nabad diid ah ayaa Soomaaliya u isticmaalaya in ay saldhig iyo marin u noqoto si ay u hujuumaan nabadda Itoobiya.

Sidaas darteed burburkii Soomaaliya khatar ayuu u keeney dalkeenna Itoobiya.

b) Muhimadda xiriirka Itoobiya iyo Soomaliya

Ma jirto xaalad ay haatan Soomaaliya wax ku soo kordhin karto iyadoo ah meel aan hanti gashan karno iyo meel aynu ku horumarin karno maaliyadda Itoobiya ama meel suuq u noqon karta wax soo saarka Itoobiya.

Muddo ka dib oo weliba nabad iyo deggenaan Soomaaliya lagu soo dabbaala ayaa ay uun jiri kartaa fursad ay Soomaaliya Suuq muhiim ah noogu noqon karto.

Hase yeeshee, way adagtahay in laguba riyoodo in ay nabadi ka dhacdo Soomaaliya mustaqbalka dhow iyo midka dhexeba. Marka la eego kheyraadka dabiiciga ah wabiyada waaweyn ee Soomaaliya waxay ka yimaadaan Itoobiya.

Waraabin beereed oo habeysan maba kajiraan Soomaaliya sidaas darteed dadka saboolka ah ee Soomaalida waxay ku jiraan xaalad qallafsan.

Dhanka kale markasta oo waddankeenna Itoobiya uu sii hormaraba waxay noqoneysaa in ay Biya Xireenno saarno wabiyada si aan warrab uga dhigno beeraheenn. Horumarinta wabiyada Itoobiya waxay caawin kartaa in ay daadadka ka caabbiso Soomaaliya sidaa darteedna ay faa´iidadu na wada gaarto.

Laakiin dhanka kale, wabiyadan waxaa lagu isticmaali karaa Itoobiya dhexdeeda siiba gobalka Soomaalida Itoobiya iyadoo loo adeegsanayo hormarinta gobalkaas.

Arrintan waxay abuuri kartaa iska hor-imaad fudud oo dhex marra Soomaliya iyo Itoobiya laakiin taas waxaa lagu xallin karaa xeer ah wax qaado oo waxna i sii taas oo tixgalin siineysa rabitaanka qaran ahaan ee labada waddan.

Sida kor ku xusan waxaa cad in muddada dhow iyo muddada dhexeba, Dalka Soomaaliya uusan wax xun iyo wax samba uusan saameyn la taaban karo ku laheyn horumarka dalkeenna. Laakiin haddana, Soomaaliya waxay leedahay dekado aan xisaab laheyn kuwaas oo u adeegi kara dalka Itoobiya.

Marka laga soo billaabo dakadda Saylac oo haatanba iyo ka horba taariikh ahaan u adeegi jirtey Itoobiya ilaa taas Kismaayo, waxaa jiro dekado aysan tiradoodu ka yareyn ilaa toddoba dekadood oo uu waddankeenna Itoobiya isticmaali karo looguna adeegi karo qaybaha kala duwan ee Itoobiya.

Isticmaalka dekadahaas waxay wax weyn ku soo biirin karaan horumarkeenna dalkan Itoobiya, Laakiin maaddaama ay jirtey fikradda Soomaali Weyn iska hor-imaadka ka dhashey iyo cabburintii ka jirtey qaranka Itoobiya, weligeedba si dhab ah looma darsin isticmaalka dekadahaas (iyadoon la illaabi Karin in Itoobiya qudheedu leedahay dekedaheeda u gaarka ah Assab & Asmara).

Burburka haatan ka jira Soomaliya iyo qarankeedii ayaa ka dhigaya wax aan la taabba galin Karin in haatan lagu fikiro in la isticmaalo dekadahaas.

Xitaa haddii fursadda lagu isticmaalayo dekadaha ay dhacdo in ay kor usoo kacdo, iyo iyadoo taas ay kor u dhigi karto sida Soomaaliya ay u saameyn karto horumarkeenna, ayaa haddana qofna u muuqan Karin door wanaag leh oo Soomaaliya ay maanta ciyaari karto.

Dhinaca xumaha marka aad eegto, waa muhiim in la garowsado in burburka Soomaaliya uu keeney khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida Itoobiya.

Xaaladda Soomaaliya waxay qastey muuqaalka laga heysto gobalkeenna Geeska Afrika oo loo arko gobal dagaal uu ka aloosan yahay.

Fursaddeennii aynu ku soo jiidan laheyn maalgalinta caalamiga ah aad ayey u yaraatey iyo saameynta Xiisadda Soomaaliya oo keentey in lagu jahawareero nabad gobalka ka dhalata iyo in la waayo xiriir dhaqaale oo ka dhexeeya labada waddan ee Itoobiya iyo Soomaaliya.  

c) Jihada Siyaasadda Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya

Darisnimada aan wadaagno Soomaaliya waxay faa’iido u ahaan laheyd horumarkeenna haddii ay jiri laheyd nabad iyo xasillooni ka jirta Soomaaliya.

Nabad waxay imaan kari lahayd gobalkeenna haddii dowlad u taagan in ay la dagaallanto fowdada, argagixisada, iyo kuwa diinta ku dheggen oo la shaqeysa waddamada dariska ah laga dhisi lahaa Soomaaliya.

Dadka qaar ayaaba qaba dowlad noocaas ah oo Soomaaliya laga dhisaa waxay mar kale soo nooleyn doontaa fikraddoodii ahayd “Soomaali Weyn” oo markaas nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya.

Arigtada noocaas ah waa qalad waana khatar. Marka ugu horreysa hadda iyo wixii ka danbeeya waddankeennu wuxuu ilaalinayaa midnimada dadkiisa (oo ayku jirto Soomalida Itoobiya) iyadoon la inkireyn rabitaankooda (madaxbannaani doonka), laakiin la caawinayo in oo la aqoonsanayo, laguna dhaqayo rabitaan ku saleysan sinnaan, horumar loo dhan yahay iyo dimuquraaddiyad

Maxsuulka habkaas kor ku xusan ayaa noqonaya in aynu abuurney xaalaadkii ay Soomaalida Itoobiya, ama fikraddii Soomaali Weyn ha la soo nooleeyo ama ha joogsatee, ku dooran laheyd in ay ku noolaadan sinnaan iyo midnimo dhexmarta iyaga iyo walaalahooda Itoobiya.

Marka hormarkeenna iyo dimoqoraaddiyaddeenu sii korodhaba, u jilicsanaanteenna fikraddii Soomali Weyn iyo astaamaha kale ee la midka ahba way iska yaraan doonaan.

Intaas waxaa dheer, oo ay tahay in hoosta laga xarriiqo, in maaddaama fikradda Soomaali Weyn ay weligeedba ahayd sababta ka danbeysa rafaadka hor iyo gadaalba yaalley Soomaaliya, ayaa fikraddaan Soomaali Weyn haatan ay fashilantey oo fursadda soo nooleynteeduna ay tahay mid aad caato u ah.

Marka la eego dhaqaalaha iyo siyaasadda Itoobiya oo isa soo taraya awgiisna, xaqiiqda ah in Soomalidu ku nooshahay labada waddanba ayaa dhab ahaantii xaqiijin doonta in ay Soomalidu noqoto buundada isku xirta xiriirk ka dhexeeya labada waddan, intii ay ka haan lahaayeen wax mar walba laga shakiyo jiritaankooda.

Dhanka kale, haddii Soomaaliya ay nabad noqoto oo dimoqoraaddiyad ay ka dhalato, waxaannu heli doonnaa fursad aynu ku isticmaalno dekedaha Soomaaliya si xad dhaaf ah oo joogta ah oo noo keeni doonto in aynu si weyn u horumarno.

Xaaladdaas marka la galo waxaa suurtowda in aynu iskaashi la yeelanno dowladdaas cusub ee Soomaaliya (waa dowladda Geeddi markii hore, haddana waa tan col. Nuur Cadde) si aynu xiddidada ugu siibno ficillada nabad diidka ah ee ka soo burqanaya Soomaaliya.

Labada waddan waxay si wada jir ah uga shaqeyn karaan in ay horumariyaan qorshayaal lagu horumarinayo wabiyada isticmaalkooda. Waxaa kale oo cad in la dhiirri galiyo xiriiro dhaqan iyo kuwo waxbarasho iyo wixii kale ee la hal maala sida afka Soomaaliga ee wax lagu baro gobalka Soomaalida Itoobiya.

Abuurista xiriir adag oo ka dhexeeya labada waddan oo ku saabsan isticmaalka dekadaha iyo wabiyada iyo ganacsiga, dhaqanka iyo wixii la mid ah.

Waxaa kale oo muhiim ah in la dhaqan galiyo in labada ummadood ay ka faa´iideystaan iskaashigan.

Marka ay sidaas dhacdo, waxaa markaas la hubaa in labada ummadood ay iska caabbin doonaan wax kasta oo lagu wax yeelleynayo xiriirka labada dal iyo dad.

Weliba Itoobiya waxay heli doontaa faa´iido dhaqaale oo toos ah; waxaa intaas dheer marka bariga Itoobiya uu noqdo meel ka caaggan hujuum iyo khatar in markaa horumarka Itoobiya oo dhan uu noqon doono mid sare u kaco.

Waa taas sababta waqtigan xaadirka ah ujeeddadeenna ugu weyn ee ku wajahan Soomaaliya ay u tahay in aynu xaqiijinno in la dhiso nabad iyo dimoqoraaddiyad ku dhisan hormurka dhaqaale adag, dhaqan iyo xiriir siyaasadeed oo dhex mara labada waddan.                  

Sidan waa siyaasadda aynu innagu jecelnahay, laakiin nabad iyo dimoqoraaddiyada laguma heli karo isku deyga dhinaceenna oo qudha.

In kastoo aynu innagu aad isugu dayi doonno in aynu kaalinteenna ka geysanno sidii loo heli lahaa nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya taas oo ah danteenna ayaa haddana mas´uuliyadda arrintaas waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed iyo xooggaga siyaasadda ee waddankaas.

Intaas waxaa sii dheer, in xooggaga shisheeye ee saameynta ku leh dhacdooyinka Soomaaliya in ay garowsadaan in ay awooddooda isugu geeyaan sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya.

Dhacdooyinkii ka dhacayey dalka Soomaaliya 10 kii sano ee la soo dhaafey ma aheyn kuwo dhiiri galin leh, laakiin waa in aynaan quusan oo aynaan dhimin rajada laga qabo nabad iyo dimoqoraaddiyad in ay ugu danbeyn Soomaliya ka dhalato. Dalkii Soomaaliya wuxuu u kala jajabey qaybo badan, iyadoo ay jirto in qaybaha qaar ay xasillooni kooban ay ka jirto ayaa haddana qaybo kale uu qalalaaso ka sii socdaa.

Kuwii ka faa´iideystey dowlad la´aanta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kooxo Soomaali ah, ganacsatada qaar, kooxo diinta ku ad adag, iyo saaxiibbadooda shisheeye ayaa dhammaantood ku mashquulsan in ay hor istaagaan si walba oo ay karaanba in Soomaaliya nabad ay ka dhalato.

In kastoo dadka Soomaalidu u ooman yihiin nabad, waxay awood u la´a yihiin sidii ay uga fara baxsan lahaayeen kuwa nabadda u diidan (kuwaas soo Itoobiya uguma Horreyso!!!!) kuwaas oo juhdi kasta ku bixiya in aan nabad danbe lagu arag Soomaaliya.

In kastoo Beesha Caalamku ay rabto in nabad la keeno Soomaaliya, haddana si buuxda uguma heellana in ay juhdi badan galiyaan si loo gaaro nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya. Sidaa darteed, waxay annaga noogu muuqataa in qalalaasaha Soomaaliya ka taagan uu sii socon doono muddo dheer.

Sidaa darteed, siyaasaddeenu waa in aysan ku ekaan oo kaliya in aynu wax ku kordhinno nabad ka dhalata Soomaaliya ‘e, ee waan in siyaasaddeennu wax ka qabataa wixii aynu ka yeeli laheyn haddii dhibaatada Soomaaliya ay iska sii socoto.

Calankii hore ee Itoobiya

Calanka cusub ee Itoobita

et adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 (oo ah intii ay Soomaaliya ku jirtey burburka) sida kamuuqata sawirka sare waxaa dhexda kagajira xidig shangees ah oo kudhexjirta qayb buluug ah. Sida hoos kamuuqata Calanka Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto.

Siyaasaddeenna waxaa saldhig u ah sidii looga gun gaari lahaa in la dhaliyo nabadda Soomaaliyao si loo helo Soomaaliya oo nabad ah oo Dimoqoraaddina ah.

Laakiin, marka la eego qalalaasaha iska daba dheeraadey ee ka sii socda Soomaaliya, siyaasaddeenu waa in ay ahaato mid lagu yareeynayo in xasillooni darrada Soomaaliya ka jirto u soo gudubto dalkeenna oo dhibaateysa innaga iyo Soomaalidaba iyo weliba gobalka.

Haddii la joojin waayo qalalaasaha Soomaaliya, waxa kali ah ee inoo furan waa in aynu iska yareyno dhaawaca iyo dhibaatada arrintaas ka dhalan karto.

Marka waxaa jira seddex arrimood oo aynu ku xaddidi karno dhibka nooga iman karo Soomaaliya iyo qalalaasaheeda Siyaasadeed.

Midka hore, waa in aynu isku dayno in aynu caawinno goballada Soomaaliya ee iyagu haatan xasilloon ee aan iyagu hoyga siin argagixisada iyo kuwa diintooda ku dheggen si markaas deggenaanshahaas ay ku raaxesanayaan uu u sii jiro loona sii adkeeyo. Goballadaas waxaa ka mid ah goballada loo yaqaan Somaliland iyo kuwa loo yaqaan Puntland.

Iyadoo la eegayo shucuurta ah in aynu iska yareyno dhibaato noo imaan karta, ayaan ay tahay in aynu caawinno goballadaas si ay u hantaan xasillooni, waana lagama maarmaan in aynu la sameyno xiriir dhinaca ganacsiga ah, is gaarsiinta si loo gaaro danaha dalkeenna iyo danaha dadka goballadaas ku dhex nool.

Su’aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay aqoonsiga Soomaliland oo aynu u aqoonsanno dal madax bannaan. In aynu aqoonsanno Soomaliland madaxbannanideeda dan nooguma jirto maxaa yeeley waxay arrintaas abuuri kartaa dareenno dhibaato wata oo gala Soomaalida kale iyo kuwa kale oo iyana shaki ka qaado damacannaga (madaxda Somaliland ma akhrin hadalkan miyaa?

Waa yaab!!!!!!). Sidaa darteed, iskaashiga aynu la leennahay gobaalladaas waa in aan lagu darin aqoonsi la siiyo maamuladdaas goballada ka midka ah Soomaaliya.

Waa in aynu ka dhowranaa in ay noqdaan waddama ka xorooba Soomaaliya inteeda kale. Laakiin, waa in aynu sii wadnaa in aynu caawinno goballadaas sidii ay u sii wadan lahaayeen nabadda iyo xasilloonida maaddama ay taas danteennu ku jirto dannna ay u tahay dadka goballadaas ku nool (ma aragtey sida madaxda labadaas gobal ay had iyo jeer ugu cel celiyaan in ay nabad haystaan? Illeyn Itoobiya ayaa ugu hanjabta in ay nabadda ka qaadeyso haddii ay la midoobaan Soomaalida kale e!!!!).  

Midda labaad, waa dhab in ay sii socon doonto in aynu u ballaqnaano khatar inta ay Soomaaliya ka xasileyso oo nabad ka heleyso, Iyadoo marka taas la garawsanayo, ayaa waxaa waajib innagu ahin aynu abuurno awooddii aynu isku difaaci laheyn oo aynu ku fashilin laheyn weerar kasta oo nooga yimaada kooxaha Soomaalida ee diinta ku ad adag, argagixisada, iyo curiyayaalka kale ee nabad diidka ah ee ka soo burqanaya Soomaaliya. Marka waa in aynu mar kast dhiifoonaan iyo feejignaan aynu muujinno oo diyaar ahaanno weligeen.

Midda saddexaad, waa in aynu la shaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee gobalka Geeska Afrika (kuwan waa dagaal oogayaasha iyo inta daba dhilifka u ah!!) iyo beesha Caalamka (Mareykan, Kenya, Yamen, Yugaandha iwm) si aynu uu wiiqno una jabinno xoogagga ka imaanaya Soomaaliya ee weerarka ku ah dalkeenna (waa kuma xoogaggan!!).

Sida cad, xalka dhammaan arrimaha kor ku xusan waa iyadoo ay baahdo dimoqoraaddiyaddu, iyo iyadoo la sameeyo wax kasta oo keenaaya xal la gaaro. Isla markaas, si kastaba ha ahaatee, waxaan u baahannahay in aynu helno garowga iyo kaalmada dadka Soomaaliyeed iyo taageerada beesha Caalamka si aynu uga hor tango waxa dhib ah ee nah or yaalla.

Iyadoo aynu ilaalineyno qodobka ah in aynan faraha la galin arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ayaa haddana ay tahay in aynu xaqiijinno xaqa aynu u leennahay in aynu ilaashanno nabadda aynu haysanno iyo in aynu is difaacno (bal yaa weerar ku ah?!!!!!!).

Eeg barta qoraalkaasi kaga qoran yahay website wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo English ah:
http://www.mfa.gov.et/Foreign_Policy_And_Relation/Relations_With_Horn_Africa_Somalia.php

Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa.

Source. SomaliTalk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: