Dowladda Itoobiya oo Baaq codsi ah u dirtay Midowga Afrika si loo soo dadajiyo ciidmada Nabad ilaaliyayaasha ah.

ethiopia.gif

Warsaxaafadeed

Halkaan ka akhri

Warsaxaafadeed oo ay maanta soo saartay Wasaarada Arimaha dibada ee xukuumada Itoobiya ayaa waxaa loogu codsaday  in si deg deg ah loo soo dhamaytiro ciidamada Midowga Afrika ee la keenayo gudaha Soomaaliya waxa ay u dirtay Midowga Afrika Xafiiskiisa weyn ee ku yaala Adis Ababa.

Waxaa War saxaafadeedkan ayaa lagu xusay in Midowga Afrika uu ka cago jiidayo dadaalada lagu keenayo ciidamada Nabad ilaaliyaasha ah gudaha Soomaaliya waxayana arintaa ku sababaysa in Midowga Afrika uu inta badan ka dhawaajiyo in xaalada dhaqaale ee ciidamada lagu geyn lahaa gudaha Soomaaliya aysan heyn.

Sidoo kale warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in xukuumada Itoobiya lagu garab istaagi waayay howlihii nabad ku soo dabaalida ahaa ee ay ka qabatay gudaha soomaaliya , balse arintaa kala kulmaan dhibaatooyin iyo eedaymo kala gadisan.

Sidoo kale waxaa amaan loo soo jeediyay wadamada Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo ka joogaa gudaha Soomaaliya waxaana si gaar ah uu War saxaafadeedu amaan ugu jeediyay wadanka Burundi oo ay ku sheegay in uu ka dhabeeyay vala qaadkii uu sameeyay.

Dowladda Itoobiya ayaa baaq u dirtay wadamadii balan qaaday in ay ciidamo keenayaan gudaha Soomaaliya sida Nigeria Ghana iyo kuwo kale waxayna u jeedisay in ay ku daydaan wadadii ay mareen Uganda iyo Burundi.

Sidoo kale Warsaxaafadeed ay horay u soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ee dalka Itoobiya ayaa looga dalbaday Midowga Afrika inay soo dadajiyaan Qorshahooda ay ku keenayaan Ciidamadda Somalia.

Waxaana Itoobiya ay ka codsatay Dalalkii horay ugu yaboohay inay Ciidamo keenayaan Soomaaliya inay ka dhabeeyaan ballan qaadkoodii, Isla markaana ay soo dhamaystiraan Ciidamaddii Nabad Illaalinta ahaa ee Midowga Afrika ballanqaadya inay Somalia u soo dirayaan.

Waxaay Kaloo xukuumada Itoobiya sheegtay inuu fashil ku imaan karo ciidamada Midowga afrika ee nabad ilaaliiyaasha hadii aan la helin dadaalo lagu balaarinyo wax ka qabashada xasilooni darada sii baahaysay, sidoo kalena la is garab taain DFKMG ah ee la shaqeysa ay keeni doonto cawaaqib xumo aan lagu xisaabtamin.

Warkan ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee xukuumada Itoobiya ayaa ah mid ka duwan qaabkiisa marka la raaco wararkii horey uga soo yeeri jiray waxaana uu u muuqtaa mid ay Itoobiya rabto in ay kaga siibato gudaha soomaaliya ciidamada Afrikaanka ah ee wax ay qabtaan aan la ogayn

Balse waxaa Warsaxaafadeedkan laga dhadhansan karaa in khasaarooyinka maalin iyo habeen soo gaaraya ciidamada gumeysiga Itoobiya ee kaga imaanaya dhanka Mujaahidiinta Soomaaliyeed uu yahay midka soo dadjiyay in ay arimahan.

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa  soo badanayso weeerara qorsheysan iyo kuwa tooska ah ee lagu qaadayo ciidamada gumeysiga Itoobiyia taasi oo keentay in ay ka guuraan goob badan oo ay fariisimo ka dhigteeen kadib markii ay u babac dhigi waayeen weerarada Mujaahidiinta Soomaaliyed .

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: