Dowladda Eritrea oo sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Ethiopia ay weeraro dhanka cirka oo gaadma ah kusoo qaadeen.

Xuduuda Eth. & Eritrea

 Halkaan ka akhri

Eritrea ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Itobaya ay weeraro gaadmo ah ku soo qaateen fadhiisimo ay ciidamadoodu ku lahaayeen deganada ka ag dhow xuduuda isla markaana aysan ka dhalan wax khasaaro ah, marka laga reebo madaaficda duqeynta ah ee ay diyaaradu soo rideen.

Warkan ayaa lagu waafiyay bog ay Eritrea ku leedahay Internetka waxaana sidoo kale warkan xaqiijyay sarkaal u hadlay Wasaaradaha Arimaha dibada ee Eritrea ayaa tibaaxay in weeraradaasi ay fuliyeen 2 diyaaradood oo ay lahayd xukuumada Itoobiya waxana uu intaa ku daray in falkaas uu ahaa daan daansi lagu fashilmay.

Sarkaalka u hadlay wasaarada arimaha dibada ee Eritrea ayaa dhanka kale sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu galo dagaal daba dheeraada ay diyaar u yihiin in ay difaacdaan dhulkooda wixii ku soo gar daroodana ay waajibkiisa siin doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale bayaan ka soo baxay Eritrea ayaa lagu xusay in wixii hada ka dabeeya ay Beesha Caalamku ay il gooni ah ku eegaan falalka daan daansiga ah ee ay wado Itoobiya hadii arintaa wax laga qaban waayana ay diyaar u yihiin in ay galaan dagaal wakhti uu qaadan doona aan la ogayn.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xili ay wali soo baxayaan warar sheegaya in xukuumada Itoobiya ay wali xuduudaha ay la wadaagto Eritrea ay ku sii daabulayso ciidamo badan una muuqda in ay dagaal galayaan .

Is haysiga ka dhex taagan 2da dal ayaa salka ku haya xuduuda ay wadaagan waxaan inta badan waan waanta lagu dhex dhexaadinayo 2 dhinac waxaase ka caga jiida Itoobiya oo ku andacoota in deegaana Sal Ambasa iyo Badhime oo mid ka mid ah ay gashay gacanta Eritrea halka mid soo hadhayna ay ku sugan yihiin ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ee kala astaynaya xuduuda.

Dadka darsa xaaladaha 2-da dal ayaa sheegaya in Itoobiya ay tahay mid aan sinaba uga baaqsanayn dagaal ay la qasho Ertirea taasi oo ay ku sheegeen in haddii ay dhacdo ay Itoobiya ku baabi’ doonto waxayna arintaa tilmaan kaga dhigayaan ku jiritaanka ay ciidamada itoobiya ay kub jiraan gudaha soomaaliya in ay arintaa soo dadajin karto.

Isku soo wada duub waxaan saadaal buuxda laga bixin karin waxa ay ku dambeyn doonto xaalada ka dhex taagan Eritrea iyo Itoobiya iyo in isku hub uruursiga la sheegayo waxa uu noqon doono mid dhabooba iyo in kale, sidoo kale waxaan saadaal laga bixin Karin waxa ay ku dambeyn doonaan is haysigaas sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka dambeysa, Siyaasadana ay tahay laba bog oo sidey doonto isu rogi karta.

SomaliSwiss Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: