Dowladda Eritrea, ”gumeysiga Ethiopia waxaa ku heysta Soomaaliya waxa Mareykanka ku heysta Ciraq iyo Afghanstan”.

dagaal muqdisho

Eritrea & Ethiopia

 Halkaan ka akhri

Wasaaradda Warfaafinta dawladda Eritrea ayaa shaaca ka qaaday in dawlada gumeysiga Itoobiya ay ku hungowday dagaalka dalka Somaliya isla markaana mudo sanad ah oo dalka ay joogen aysan wax horumar ah gaarin marka laga reebo Ciidankoodii oo sii dhamaanaya.

Bayaan lasoo dhigay Shabakadda Internet-ka ee Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa lagu adkeeyay in Somaliya waxa ku heysta Itoobiya ay lamid yihiin waxa Ciraq iyo Afghanstan ku heysta Mareykanka.

Waxaa sido kale warka Wasaaradda Warfaafinta Eritrea lagu sheegay in Somaliya xalkeeda nabadeed uu ku jiro Soomalida oo la wada hadal siiyo isla markaana dhexdooda laga baxo si markaasi ay iyagu dhexdooda uga heshiiyaan.

Dawladda Eritrea waxaa ay tiri ”Mudo sanad ah ayay dalka Somaliya joogaan ciidamada gumeysiga Itoobiyaan-ka meelna wax ugama dhaqaajin kooxaha wax iska caabinta ee kasoo horjeeda kuwaasi oo awoodooda sii kordheyso maalimba maalinta ka dambeysa”.

SomaliSwiss Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: