Dagaal Saaka ka billaabmay xaafada Suuqa Xoolaha Degmada Huruwaay ee magaalada Muqdisho.

mujaahidiin

Ciidamada Gu. diidka

 Halkaan ka akhri

Dagaal goos goos ah oo u dhaxeeya Xoogaga Muqaawamada Soomaaliya iyo Ciidamada Gumeysiga ayaa saaka ka bilowday xaafada suuqa xoolaha Degmada Huluwaay ee magaalada Muqdisho.

warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dagaal gaadmo ah lagu qaaday saaka Qaar ka mid ah Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ka soo baxay Warshadii hore ee Baastada Ex-Control Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Sida lagu soo warramay dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka fud fudud iyo waliba waxyaabaha kale ee Qarxa waxaana ay uu ku baahay dhamaan jidka Suuqa Xoolaha iyo qeybo ka mid ah Coca-Cola.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalku uu si toos ah imminka uga socda agagaarka xerada Maslax oo ay deganyihiin ciidamada gumeysiga itoobiya.

Iska hor-imaadkan ayaa la sheegayaa inuu yimid ka dib markii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya isku dayeen in ay baaritaano ka sameeyaan Qeybo ka mid ah xaafada suuqa xoolaha.

sida ay sheegayaa wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho in shalay galinkii dambe illaa xalay uu dagaal kululi ka dhacay jidka wadnaha gaar ahaan isgoyska aadan cadde ee degmada wardhiigleey ee magaalada Muqdisho. 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: