C/llaahi Yuusuf oo Cadde Muuse ku canaantay siideyn la’aanta labada gabdhood ee u shaqeynayay MSF-Spain, kuna amray in uu afduubayaasha ka dul qaado ciidamada.

Shaqaalaha MSF

Shaqaalaha MSF

 Halkaan ka akhri

Sida aynu ku heleyno warar ku dhow dhow GEN. Cadde Muuse ayaa sheegaya in xalay xilli danbe uu soo wacay afhayeenka C/laahi Yuusuf, kuna amray in ciidanka laga dulqaado afduubayaasha, afduubka u geystay labadda gabdhood oo shalay fagaaraha Bosaaso lagu af duubay, maadaama Cadde uu amaanka faraha ka bixiyay.

Arrintan ayaan aheyn mid lala yaabo maadama C/laahi Yuusuf uu yahay ninka kaliya oo lagu tilmaamo in ay beelaha ku dhaqan PUNTLAND ay wax ka maqlaan.

Sidoo kale dowladda SPAIN waxeey dacwad u gudbisay COL. C/laahi Yuusuf ayagoo sheegay in loo bad baadsho gabdhaha samafalka u jooga deegannada puntland.

Waxaa jira ilo wargal ah oo sheegaya Afduubayaashu waxay xiriir la sameeyeen SPAIN waxayna u sheegeen in ay rabaan lacag madax furasho ah oo dhan $250 KUN.

Waxaana la sheegay in SPAIN ogoshahay bixinta lacag, laakiin waxa arrintan fududeyn la’ waa CADDE MUUSE, dhalinyaradunna wax afduubay waxaa laga soo weriyey in ay yiraahdeen “wax badan ayaa dowladda lacag afduub kala qeybsanay, hadda ka dibna ma dhici doonto.”

Lacagaha afduubka ayaa noqday DEKED labaad oo puntland yeelatay.

Cadde Muuse goorma ayuu amarka qaadan doonaa ayaa ilaah wargalka ah sheegeen, balse xalay wuxuu yiri, sida la sheegay, wadanka waan iskaga tagaayaa C/laahiyow qof u taliya keenso.

Waxaa lagu wadaa Cadde Muuse in uu jagadda iska dhiibo, sida warar u dhow sheegeen, inta aan la gaarin xilligii hore uguqorsheysnaa ee doorashada, laakiin waxaa jira dad codsanaya in maxkamad la’soo taago, danbigiisana lagu qaado maadama uu lacag badan lunsaday, amaankiina faraha ka bixiyay.

SomaliSwiss@otmail.com

%d bloggers like this: