Â
 Gud. B. Hawiye
 Halkaan ka akhri
Golaha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye ayaa Maanta oo taariikhda ah 26.12.2007 soo saaray warsaxaafadeed Muhiim ah oo ku wajahan xaaladaha ka taagan Muqdisho.
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaan magalada Muqdisho oo ay dagaalo ku dhaxmarayaan Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha Muqaawamada Soomaaliya.
Golaha ayaa arrimaha ka taagan Muqdisho iyo Ciidamada Burundi ee Muqdisho soo gaaray ka soo saaray War Saxaafadeed Muhiim ah .
Ujeedo : warsaxaafadeed
Manta oo tariikhdu tahay 25/12/07 Waxaa shir balaaran isugu yimid Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba u soo gudbinayaa warsaxaafadeed ku saabsan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Dalka Soomaaliya iyo xaaladihiisa amaanka.
Guluhu wuxuu guud ahaan Beesha Caalamka,gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Soomaliya, sida, Q.M Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ku wargalinayaan in dariiqa ay Soomaaliya nabadda uga raadinayaan uu yahay mid hareer marsan hanaanka saxda ah ee Soomaaliya Nabad looga dhalin karo.
Barnaamijka ay haatan Beesha Caalamku afka ku haysaana waa mid dab iyo baasiin ku sii daraya xaalada amaan daro ee hadda taagan.
• Dowlada Itoobiya ee xoogga ku joogta Soomaaliya ee xasuuqaysa haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed boobka iyo burburintana ku haysa hantida ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Goballadda koofureed ee Dalka, Beesha Caalamku halmarna kuma cambaaray itoobiya falalkaas guracan ee ay ku hayso dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
• Waxaa wax laga xumaada ah in itoobiya maalintii shalay ee taariikhu ahayd 24/12/07 u dabaal degtay fantasyana u sameysay qabsashadeedii iyo gelitaankeedii Soomaaliya, iyadoo ka dhigtay mid ka mid ah dhacdooyinka taariikheed ee Itoobiya leedahay.
Waxayna ka soo horjeedaa wixii dadka Soomaaliyeed loo sheegay ee ahaa in Itoobiya u timid gurmad ahaan, gargaar iyo in ay dowlad wanaagsan ka dhaliso Soomaaliya, hase ahaatee; nuxurka imaanshaha Itoobiya waa qabsashada Soomaaliya.
• Beesha caalamku iyadoo iska indha tiraysa xaqiiqada ka jirta Soomaaliya ayay mar kasta naadinaysay in dalka Soomaaliya loo diro cidamo xoojiya kuwa Itoobiya. Taas oo ay dadka Soomaaliyeed u fahamsan yihiin fududeynta xasuuqa Itoobiya ka waddo Soomaaliya iyo daboolidda xadgudubyada joogtada ah ee ay ku kacaan ciidamada C/llaahi yuusuf.
• Ciidamada Itoobiya waxay xasuuqa, dhaca, barakicinta, kufsiga, dilka iyo xariga joogtada ah ka sokow ku kacaan falal ad u xun xun oo aan iyagoo kale la’arag waxaana ka mid ah:
B) In dhammaan masaajiddii ku tiil dhulkii ay xoogga ku qabsadeen ku xaareen nijaasna ka buuxiyeen.
T) In ay kutubtii Qur’aanka ee masaajidda iyo dugsiyada tiilay ay ka dhigeen wax ay saxaro isga tireen, wax ay jeexjeexen iyo kuwo ay kaadi iyo nijaas kale ku dul shubeen.
J) In ay guryhii dartood looga qaxay markii dadkii dooneen in ay dib ugu soo noqdaan, kala kulmeen wax in hohooda ka yaabiya sida: dad la gowraca oo shacab ah, dumar la fara xumeeyay hadana la dilay, bumbooyin looga tagay guryahooda dhexdooda iyo dhamaan agabkii yaalay guryaha oo la qaatay.
• Ciidamada Itoobiya waxay xireen inta badan Jaamacadihii, iskuuladii, Dugsiyadii Qur’aanka iyo goobihii caafimaadka.
• Ciidamada Itoobiya waxay xireen dhammaan warshadihii faraku tiriska ahaa ee dalka ka jiray gaar ahaan Muqdisho sida: Warshadaha Joodariyaasha, Cabitanada IWM.
• Waxay Ciidamada Itoobiya xireen dhammaan ceelashii Biyaha waxayna ka qaateen Matooradii dabka dhalin jiray iyadoo loo raray Itoobiya iyo meelo ka fog fog.
• Ciidamda Itoobiya waxay joojiyeen dhammaan gaadiidkii u kala gooshi jiray qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, waxayna magaladii ku koobeen hal waddo oo ay hareeraha ka fadhiyaan, taageerayaashooduna ku dhacaan dadweynaha.
• Ciidamada Itoobiya waxay damiyeen iftiinkii magalada Muqdisho, iyagoo ka dhigay Mugdi an iftiin laheyn.
• Ciidamada Itoobiya iyo taageerayaashoodu waxay magalada Muqdisho u qeybiyaan Madafiicda calculus iyo gantaalaha sida ba’an wax ulaaya, halka hoobiyayaashu ula mid yihiin dhangadda booliska.
• Ciidamada Itoobiya iyo taagerayaashoodu waxay is hortaag ku sameeyeen hay’adihii samafalka ee gargarka u fidin lahaa dadka ay barakiciyeen eek u dhibaateysan Qoraxda iyo Qabowga aan hoyga laheyn.
Sidaas darteen; Beesha Caalamka, Ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Midowga Europe iyo cid kasta o Soomaaliya daneysa waxan ugu baaqeynaa in ay Soomaaliya yimaadaan indhohoodana ku arkaan dhibaatada Jirta Soomaaliya gaar ahan Muqdisho si ay xog dhab ah uga helaan xaaladda taagan ee ka dhalatay falalka gurracan ee ay ku kacayaan ciidamada Itoobiya iyo taageerayashoodu.
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha hawiye wuxuu ugu horeyn ku baaqayaa in Ciidamada Itoobiya Laga saaro dalka Soomaaliya waayo waa fidno iyo balaayo ku dhex jirta umadda Soomaaliyeed, saaritaanka ciidamada Itoobiya waa arrin muhiim ah.
– Si loo rumaysto in wixii lagu soo unkay Kenya ay u shaqeynayaan sidii loo unkay.
– Si dadka Soomaaliyeed dib ugu helaan xornimadoodii. – si kooxaha isku haya siyaasadda Soomaaliya loo wada hadalsiiyo.
– Si loo gaaro nabad buuxda iyo kala dambeyn.
– Ciidamada Afrika iyo kuwa kaleba waa in ay ka foojignadaan in ay noqdaan taageerayaal Itoobiya gacan ku siiya sii haysashada, Xasuuqa, barakicinta, boobka iyo qafaalashada joogtada ah ay haatan ciidamada itoobiya kawadaan Soomaaliya.
Wabillaahi towfiiq
Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye .
Maxamed Xasan Xaad
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: Mogadishu, Somalia |
You must be logged in to post a comment.