
Daahir Riyaale
 Halkaan ka akhri
 DHAGEYSO WAREYSIGA DAAHIR RIYAALE KAAHIN
Madaxweynaha maamulka gooni isu taaga ee Soomaaliland, Dahir Riyale Kahin, ayaa dhawaan wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyeyIdaacadda VOA qeybteeda Afka Soomaaliga.
Waxyaabaha uu ka hadlay Daahir Riyaale waxaa kamid ahaa: Aqoonsiga raagay ee Giini isu-taaga Soomaaliland, dagaallada iyo dhibaatooyinka ka aloosan Laasacaanood, dowladda KMG Soomaaliya iyo arrimo kale oo xiisa leh.
Waxaa Daahr Riyaale wax laga weydiiyey joogitaanka ciidamada gumeyiga Itoobiya ee koofurta Soomaaliya, iyo waliba sida uu u arko mustaqbalka wadanka Soomaaliya oo dhan.
Waxaa kaloo uu Daahir Riyale ka hadlay axsaabta Siyaasadeed ee Somaliland, iyo cabburinta loo geysto xisbiyada, iyo waliba Suxufiyiinta ka soo qaxday dagaallada Muqdisho oo dhawaantan laga musaafuriyey Somaliland.
Wariye Max’ed Xaaji Xuseen ayaa wareysiga ka qaaday madaxweynaha Soomaaliland isagoo jooga magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka Somaliland.
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwi |
You must be logged in to post a comment.