Labo Haween oo u shaqeeya Hay’adda MSF-Spain oo magaalada Bosaaso lagu Afduubtay Maanta.

 smf3.jpg

 Quudinta Caruurta

 Halkaan ka akhri

Shalay ayey ahayd markii la deeyey Suxufigii u dhashay dalka Faransiiska, maantana la Afduubtay Labo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda MSF-Spain oo ka howlgelayay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayagoo ku sii jeeday howsha ay u hayaan bulshada lakaalac kufaysa xanuunka iyo caafamaad darrada ka jirta magaalada Bosasso oo ah meel aan ka jirin dowlad dhexe, balse ay joogaan kuwa ku shaqaysto magac dowlad  been ah.

Qof ku nool magaalada Boosaaso ayaa sheegay in labadan shaqaale  oo ahaa labo haweenay ayaa ku sii socday markii la af-duubanayay xero lagu quudiyo caruurta oo ku taala Xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaaso.

Ilaa iyo haatan Lama yaqaano halka ay af-duubayaashu u kaxaysteen labadaas haween ee u shaqeynayay Hay’adda MSF, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn dalalka ay u dhasheen, walow warar hordhac ah oo aan helnay ay sheegayaan in ay labadaas gabdhood u kala dhasheen dalalka Spain iyo Argentina.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide oo wax laga weydiiyay af-duubka loo geystay Shaqaalaha Hay’adda MSF-Spain ayaa sheegay in uusan ilaa iyo haatan xog badan ka heynin arrintaas, wuxuuse caddeeyay in ay baaris wadaan, kadibna ay saxaafadda la hadli doonaan marka ay baarista u soo dhamaatay.

Si kasta ha ahaatee, Magaalada Boosaaso ayaa u muuqata mid aaney ku nabad helaynin shaqaalaha Ajnabiga ah, waxaana ka dilaacay Kooxo Burcad ah oo qafaasha dadka Ajaaniibta ah, iyadoo mar sii horeysayna ay rag hubeysan af-duubteen diyaarad qaad geystay garoonka Boosaaso, inkastoo la sheegay in raggaas ay xurguf kala dhaxeysay ganacsato qaadka ka baayac-mushtarta oo diyaaraddaas soo kireysatay.  

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: