Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qoorsheynayo suurta-galnimada sidii Ciidamo ka socda QM loo geyn lahaa dalka Soomaaliya.

 un1.jpg

 Golaha Ammaanka

 Halkaan ka akhri

Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa waydiistay Xoghayaha Guud ee QM inuu qorsheeyo suurtagalnimadda in Ciidamo ka socda Qaramadda Midoobay oo la geeyo Soomaaliya si ay u badalaan Ciidamadda haatan ka jooga Midowga Afrika Dalka Soomaaliya. 

Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa horay u sheegay inaysan suurtagal ahayn xilligan in Ciidamo ka socda Qaramadda Midoobay la geeyo dalka Soomaaliya Xaaladaha ka jira Dalkaasi awgeed. 

Goluhu waxa uu sidoo kale sheegay inay hordhigi doonaan Golaha Ammaanka Hindisihii uu soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Kaasoo kusaabsanaa sidii wax loogu qaban lahaa Xasilinta Dalka Soomaaliya, Horumarinta Ammaanka, iyo Dib u Heshiin loo dhan yahay loo dhex dhegi lahaa Soomaalida. 

Balse waxaa lagu soo waramayaa in Golaha Ammaanka ee Qaramadda ay Kulamaddii ugu dambeeyay uga wada xaajoodeen, sidii loo diyaarin lahaa Ciidamo ka socda QM, haddii uu sidaa oggolaado Ban K-Moon.

Waxey sidoo kale hoosta ka xariiqi doonaan in gacan la siiyo Ciidamadda Midowga Afrika haatan ka jooga Soomaoliya.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: