Afhayeenka Ciidamada Uganda Pandy Ankuknda oo ugu baaqay Indho Cadde in uu ka laabto Hanjabaadiisii ku aadanayd Ciidmada Uganda & Burundi.

afhayeenka-uganda.jpg

 Afhayeenka C. Uganda

Halkaan ka akhri

 Afhayeenka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya Pandy Ankunda oo Waraysi siiyay Maanta Duhurnimadii Idaacada BBC –da laanteeda Af-soomaaliga ayaa ka jawaabay hadal ka dhan ah ciidamada Uganda iyo Burundi oo uu shalay BBC siiyay Sh Yusuf Indha-cadde.

Mudane Pandy Ankuknda ayaa sheegay in Sheekh Yuusuf Indha-cadde hanjabaadiisa uu ku bartilmaameedsanayo koox qaldan, isla markaana aanay sax ahayn in Uganda ay ku baaqday dagaal ka dhan ah Soomaaliya, markii ay ciidamadeeda u soo daadgureysay Soomaaliya.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Uganda ay halkaasi u joogto inay hirgeliso hawlgalka midowga Africa, Burundina ujeeddo la mid ah ayay ciidamadeeda u keeneysaa Somalia.

Baaqa uu Afhayeenku u soo jeediyey Sh Yusuf Indha-cadde inuu ka laabto hanjabaadiisa, sababtoo ah waxaan horey u sheegnay ayuu yiri in aan cidna cadow ku ahayn oo aan la dirireyn, isagoo sheegay in ay jecel yihiin inay la shaqeeyaan qof kasta si loo xaliyo khilaafka Soomaaliya.

Sheikh Yusuf ayaa shalay wareysi uu siiyay BBC waxa uu sheegay inay digniin siinayaan ciidamada Uganda iyo Burundi oo uu ku tilmaamay inay ku soo duuleen wadanka, oo aanay garaneyn ujeedada ay u yimaadeen halkaasi, isla markaana ay dagaal cad la galayaan

Indha-cadde ayaa shalay uga sheegay  Madaxweyneyaasha dalalka Uganda iyo Burundi inay kala baxaan ciidankooda Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: