Â
Baroordiiqa Tsunami
 Halkaan ka akhri
Saddax sano oo waxyeelo isku xigta oo ay la kulmeen dadyowga ku nool xeebaha Galbeedka Asiya oo dad badani ay ku dhinteen sababaha Bad-geriirka ee loogu magacdaray Tsunami, ayaa Maanta si aad ah loo xasuustay, waxaana la sameeyey Xaflado loogu boroodiiqaya dadkii ku nafwaayey oo tiradadoodu dhamayd 230,000/oo qof.
Waxaa Kumanaan qof ee ku dhaqan dalalka Indonesia, Tailand, Siri-lanka iyo India, ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo uruureen goobaha Qabuuraha Wadarta ah lagu sameeyey, waxayna halkaas ku xasuusteen dadkooda, iyagoo u baryey Ilaah, daqiiqadana u Aamuseen.
Dhinaca kale Hay’adaha Samafalka ee ugu muhimsan ee dalkan Swiss-ka ee u gurmaday goobaha dhibaatada Tsunamiga ka dhacay, ayaa waxay sheegeen in qoorshaha Samafalka ee wax-qabadka dhismaha guryaha uu meel fiican marayo, kuna rajo weyn yihiin inay wax qabadkooda sii kordhin doonaan.
Muddo saddex sano kadib Silsiladii is garab-taaga ahayd ee bulshada Switzerland ay wadeen ayaa waxaa lagu soo uruuruyey lacag kaalma ah oo dhan 227 Milyan oo faranka Swiss-ka ah, balse waxaa ilaa haatan loo istimaalay qaar ka mid ah lacagtaas oo dhan 204,3 Milyan oo FS ah Mashruucyadii dib u dhiska inta hartayna waxaa lagu dhamaytiri doonaa Mashruucyada qoorshaha fog.
Kaamada kacageed ee dalka Swiss-ka ayaa waxaa wax loogu qabtay 5wadan oo waxyeelada Bad-gariirka saamaysay, waxaana ka mid ah: Sirilanka, India, Tailand, indonesia iyo Somalia, waxaana lala kaashaday 27 hay’ado Samafaleed.
SomaliSwiss Zürich
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwi |
You must be logged in to post a comment.