Mudane XAAD: Ciidamada Burundi waxba kama bedeli doonaan Amni-darrada ka jirta Magaalada Muqdisho.

xaad

 Gud. B. Hawiye

 Halkaan ka akhri

War Saaka uu soo Saaray Golaha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday in aaney Ciidamada Burundi ee lagu soo daad-gureynayo Soomaaliya waxba ka bedeli doonin amni darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mudane Maxamed Xasan Xaad oo ah Guddoomiyaha Gobolahaas ayaa sheegay in sababta aysan Ciidamada Burundi waxba uga qaban karin amni darrada ka jirta Muqdisho ay tahay iyadoo ay horay waxba uga qaban waayeen Ciidamada Uganda oo sida uu yiri ka awood roon kuwa Burundi.

Wuxuuna intaas ku sii daray in ay jirto sabab kale oo ah in aaney Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho jooga aysan ogoleyn in cid aan iyaga ahayn ay sugto ammaanka Muqdisho.

Mudane Xaad wuxuu sheegay in aanu hagaagi doonin ammaanka magaalada Muqdisho tan iyo inta ay Ciidamada Itoobiya joogaan Soomaaliya, “Ciidamada Itoobiya haddii ay baxaan xalka mushkiladda ka taagan magaalada Muqdisho waa la helayaa, dadka Soomaaliyeedna iyaga ayaa xal la imaan kara”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku sii daray in ay Ciidamada Itoobiya shalay u dabaal-degeen markii ay soo galeen Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay taasi muujineyso sawir ah sida ay Itoobiyaanku ugu faraxsan yihiin soo gelitaanka Soomaaliya iyo weliba in ay sii joogaan Ciidamadooda.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Burundi fariisimo looga sameyn doono qeybo ka tirsan Suuqa Bakaaraha, kadibna ay sugi doonaan Ammaanka Suuqaas oo muddooyinkan ahaa mid aan hagaagsaneyn.

Hase ahaatee, ilaa iyo haatan waxaa Burundi ka jooga Magaalada Muqdisho ciidamo gaaraya 192 Askari.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: