Kooxdii afduubka u heysatay Wariyihii Farasiiska ahaa oo xalay soo deysay,balse lamana oga shuruuda lagu sii deeyey ?.

journalist1.jpg

 Wariyihii Faransiiska

  Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Bosaasso ayaa sheegaya in Wariyihii Farasiiska ahaa ee ay kooxda dablayda ahi afduubka u heysteen mudada isbuuc ah ayaa xalay iska soo daayeen kadib markii arintaa sida la sheegay wada hadalo hoose laga yeeshay ayna ogaladeen kooxdu sii daynta wariyaha .

Wariyaha ayaa lagu magcaabaa Gwen Le Gouil waxaana uu sawir qaade ka ahaa tilifishinka Channal 4 ee dalkiisa waxaana markii la soo dayay kadib la geeyay hotelka Vilage ee magaalada Boosaaso oo uu hadalo kooban ka soo jeediyay.

Gwen Le Gouil ayaa sheegay in kooxdii haystay ay si wanaagsan ula dhaqmeen mudadii ay heysteen waxaana uu meesha ka saaray in wax jir dil ah loo geystay, waxaana uu sidoo kale baaq u diray reerkiisii uu oo ku yiri “waan fiicanahay dibna xoriyadaydii ayaan u helay”.

Dhanka kale waxaan ilaa iyo hadda war rasmi ah laga heyn qaabka lagu sii daayay wariyaha iyo qaabka uu ahaa heshiiska arintaa laga yeeshay.

Warar aan la hubin ayaa tibaaxaya in wariyaha lacagtii madax furashada aheyd ee ay ku sheegtay kooxdii af duubka u heysatay loogu shubay Accoun ay ku leeyihiin dubai sidoo kalena ay qeyb ka ahayd kooxdani kooxdii horay u af duubtay Markabkii laga sii daayay xeebta magaalada Boosaaso.

Ma jiraan ilaa iyo hadda wax hadalo ah oo ka soo baxay dhanka maamul goboleedka Puntland oo ku aadan sii deysmada wariyaha waxaana loo badinayaan in ay arintaa si aad ah ula socdaan ayna isla maanta arintaa ka hadli doonaan.

Balse waxaa si aad ah ugu soo badanaya maamul goboleedka Puntland Xaalada noocan ah, waxayna arintan meesha ka saaraysaa Amaanka iyo xaaladda la midka ah ee uu inta badan ku faano maamulka puntland waxayan sidoo kale arintan ku soo begmaysaa xili ay wali sii xoogaysnayaan khilaafyo u dhaxeeya Cade Muuse iyo xubo sar sare oo ka tirsan Maamulkiisa.  

SomaliSwiss Bosaasso

SmaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: