Sh. Indho cadde:- Waxaan dagaal cad la galaynaa ciidamada Burundi & Uganda oo Soomaaliya u yimid inay gacan siiyaan cadowgeenna.

yusuf indha cade

 Indhe Cadde

Halkaan ka akhri

Idaacada BBC-da qeybteeda af-Soomaaliga ayaa maanta duhurnimadii u waramay Sheekh Yuusuf Siyaad (Indha-Cadde), wuxuuna Shaaca ka qaaday in ay dagaal cad la galayaan dhamaan ciidamada shisheeye oo sida sharci darada ah ku soo galay Soomaaliya isla markaana garabka siinaya Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, kuwaas oo uu ku sheegay in ay yihiin Uganda iyo Burundi.

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Indho cadde ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha dalka Burundi in uu Taariikhda Burundi ku qorin baal madoow isaga oo xusay in Burundi ay ka mid ahayd wadamadii laga xoreeyay Gumeystayaasha Reer Yurub, halgenkaana ay  Soomaalida kaga qayb gashay Af iyo Addinba, haatanna  ka mudnayn in Burundi ay la soo safato cadowga Soomaaliya.

Warku wuxuu intass ku darayaa in Indho cadde uu tilmaamay in aysan garanayn ujeedada ay u yimaadeen Uganda iyo Burundi isla markaana ugu baaqay in ay ciidamadooda kala baxaan dalka Soomaaliya iyo waliba cid waliba oo si sharci daro ah ku timaaday Soomaaliya.

Wuxuu kaloo Sheikh Yuusuf  sheegay in uu joogo gudaha gobolka banaadir isla markaana uu hogaaminayo weerarada ka socda qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa meesha ka saaray in aysan wadanka ka jirin wax la yiraahdo “Dowlad” isla markaana uu wadanka xukumo ninka lagu magacaabo “Gabre” Ra’isul wasaarana uu ka yahay Meles Zenawi.

Ugu dambeyntii sheekh Yuusuf wuxuu sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ee la soo dhaafay ay ciidamada gumeysiga Itoobiya si toos ah iyo si dadbanba u xasuuqeen tiro shacab ah oo gaaraysa 1000 (kun ) qof.

SomaliSwiss Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: