Iska hor imaadyo xoogan oo ka soconaya Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho.

 Bakaara

Dagaal Xamar

 Halkaan ka akhri

Dagaala xoogan oo saakay subaxnimadii ka bilawday xaafada kamid ah magaalada Muqdfisho ayaa hadda ka soconaya xaafadaha ku teedsan jidka Wadnaha gaar ahaan Suuqa-caanaha iyo dharka, Afrikan-filej, Bangaariyada, iyo qaybo kale oo ka mid ah Dagmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo aad u xoogan ayaa markii hore waxaa uu ka bilawday agagaarka Suuqa caanaha iyo dharka, waxuuna ku sii fiday qaybo kamid ah xaafadaha Afrikan-Filej, KPP, iyo xaafada Taleex.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed iyo ciidamada Dowladda KMG ah ee lashaqaysa gumaysiga Itoobiya oo halkaas ku lahaa fariisimo waxayna u muuqataa in dagaalku uu ku sii fiday meelo aan ahayn goobihii uu ka bilawday dagaalka.

Ciidamada Dowladda KMG ah ee lashaqaysa gumaysiga Itoobiya ayaa isla markiiba sidii caadada u ahayd wxay bilaabeen duqeyn ay la beegsanayaan meelaha dadka Rayidka ah ay ku badan yihiin, waxayna hadda madaafiic ku soo hogaamiyeen qaybo kamid ah Suuqa Bakaaraha, kuwaas oo mid ka mid ah uu haleelay Suuqa Dharka lagu gado, ayada oo aan ilaa iyo hada la’ogayn khasaaraha ay gaysteen madaafiicdaasi.

Sidoo kale lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay dagaalkan maadaama uu wali socdo waxaase la filan karaa khasaarooyin fara badan oo ka dhasha dagaalkan gaar ahaan midka uu sababayo duqaynta indho la’aanta ah oo ciidamada gumaysiga iyo kuwa la shaqeeya ay la beegsanayaan goobaha ay dadka rayidka ah dagan yihiin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: