Ciidamadda Dowladda KMG ah oo maanta xabsiga u taxaabtay Ardaydayda iyo Macalimiinta Dugsi ku yaalla degmada Madiino ee magaalada Muqdisho

arday

 Arday & Macallamiin

  Halkaan ka akhri

Ciidamadda Dowladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya ayaa maanta gudaha u galay albaabadana isugu laabay, isla markaasna kaxaystay macalimiintii iyo Ardaydii dhiganaysay Dugsiga Hoose Dhexe oo ku yaala degmada Madiina xaafadda xoosh ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo soo galay Iskuulka xilli ay si caadi ah u socdeen xiisaduhu ayaa waxay ku bilabeen ardayda wiilasha ah jirdil ayaga oo ku amray Gabdhahana in ay iska Faydaan Indho-shareeradda isla markana macalimiintii ku qasbay in ay dhulka fariistaan.

Ardaydii wiilasha ahyd ee dhiganaysay dugsiga iyo macalimiintii oo ka kooban 8 macalin ayaa waxaa Dhamaan loo waday dhanka saldhigga Galbeed ee dagmada Madiina, ayada oo si xun loo jirdilay ardayda wiilasha ahaa.

Gabar ka mid ah ardayda dugsiga, isla markaana  goobjoog ka ahayd ayaa tiri “ciidamada ayaa noo soo galay wilashii ayayna garaacitaan ku bilaabeen Gabdhahuna waxay ku amreen in aan indho shareeradda iska furaan xataa qaar ka mid ah gabdhaha way garaaceen lakin markii danbe ayaa mid ka mid ah Ciidanka yiri iska daaya Gabdhaha macalimiintii iyo ardaydii wiilasha ahaydna dhamaantood waa la kaxaystay”.

Falkaan ayaa yimid kadib markii askari ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiyaanka saaka nin ku hubaysnaa bastoolad ku toogtay meel u dhaw Saldhiga galbeed ee degmada Madiina.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga ayaa si joogta ah u bar tilmaamed goobaha waxbarashada sida jaamacadaha Iskuuladda, Dugsiyada, Macaahidda iyo goobaha lagu cibaadaysta, iyadoo ardayda ,macalimiinta culimada iyo dadka ku sugan goobahaas kula kaca falal isugu jira Dil bareer ah, xarig , jirdil iyo hanjabaado.

Intii ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah ee la shaqaysa ay ku sugnaayeen Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa xirmay in ka badan Kun goobood oo isugu jira Masaajidyo, Jaamacado, Iskuulo, Macaahid, Dugsiyo, iyo Privets lagu baran jiray qaybaha kala duwan ee Culuunta, waxaana jira masaajiddo iyo goobo waxbarasho oo aad u fara badan kuwaas oo isu badalay fariisimo ay dagan yihiin ciidamada Gumaysiga Itoobiya halka qaar kale ay ku bur bureen duqaynta gumaysiga.  

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: