Qaybtii 2 aad oo ciidamo Burundi ah oo ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Muqdhsho

burundi

 Qaybtii 2aad C. Burundi

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta soo gaaray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho qaybtii 2 aad oo ka tirsan ciidamada Nabad ilaalinta ee dalka Burundi.

Ciidamadan oo tiro ahaan dhan 100 askari ayaa waxay noqonayaan dufcadii 2 aad ee ciidan ka socda dalka Burundi oo cagaha soo dhiga dalka Soomaliya ayada oo sidoo kale ay shalay Muqdisho soo gaareen 100 askari oo Burundian ah.

Ciidamadan ayaa waxaa soo dhaweeyay xubno ka mid ah Dowladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya oo ay ka mid yihiin Darwiish iyo Gudoomiye ku xigeenka mamulka Maxamed dheere; Maxamed Tahaliil Warsame iyo qaar ka mid ah madaxdea ciidamada Uganda oo uu ka mid yahay afhayeenkooda Baddy Akunda.

Sarkaal Sare ee Ciidamada Burundi ayaa  sheegay in ciidamadan ay hordhac u yihiin ilaa 850 askari oo ay ku yaboohday dawladda Burundi waxuuna ka dalbaday dawladaha kale ee afrika in ay soo dadajiyaan keenitaanka ciidamadooda dalka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan nabad sugidda dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Sarkaal ka tirsan ciidamada Ugandha ayaa wuxuu sheegay ee uu yiri “halkaan waxaan u joognaa in an soo dhawayno walaaleheena ciidamada Burundi waa na in loo aqoonsado dawladda Burundi in ay tahay dawladdii labaad ee ciidan u soo dirtay Soomaaliya”.

Ciidamadan ka socda dalka Burundi iyo kuwii horay u joogay oo ka socda dalka Uganda oo hoostaga Midowga Afrika ayaa dad badan si mala awaal ah u sheegeen in aan  rajo laga qabin in Soomaaliya u horseedaynin wax nabad galiyo ah iyo inay soo afjari karin joogitaanka ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Xoogaggga Muqaawamada ayaa horay waxay digniin ugu direen Midowga Afrika in ay ciidamo Soomaaliya u soo dirin, ayagoo ku eedeeyay in ay hoosin u yihiin ciidamada gumaysiga Itoobiya, waxayna si toos ah ula beegsan doonaan weeraradooda haddii ayna ka bixin dalkooda.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: