Jabhada Islaamiga ah ee Soomaaliyeed oo maanta go’aansatay inay sii dayntii 2 askari oo ay ku qabsatay dagaalkii dorraat ka dhacay magaalada Muqdisho.

JIS 

Bayaanka JIS

Halkaan ka akhri

 War naga soo gaaray Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed oo ka mid ah Xoogaga Dagaalka Jihaadka ah kula jira Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ayaa waxaa u suura gashay in doraad oo Taariihdu ahayd 21/12/2007 ay gacanta ku soo dhigaan 2 askari oo ka tirsanaa dhalinyarada soomaaliyeed ee la marin habaabiyay lana shaqeynayay Cadowga laguna soo tabo-baray xero u dhaw adis ababa oo lagu magacaabo “BILAADIN” mudo 7 bilood ah.

Hadaba Mas’uuliyiin JIS falaqayn iyo baaritaan ka dib waxa ay go’aansadeen in ay sii daayaan labadan askari taas oo ay u arkeen in ay qeyb ka yihiin ummadda soomaaliyeed ee Cadawga laga badbaadinayo, ayna hor seedi karto in qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada soomaaliyeed ay ka waantoobaan la shaqeynta cadowga, haddaba sababaha keenay in la siidaayo ayaa waxaa ka mid ah

1) ka dib markaan aragnay xaalada ay ku suganyihiin dhalinyarada soomaaliyeed ee la marin habaabiyay iyo dhibaatooyinka ka soo gaaray la shaqeynta cadowga xag diimeed, dhaqaale, akhlaaq iyo maskaxeed ayaa waxaan garowsanay in ay qeyb ka yihiin shacabka soomaaliyeed ee aan hubka u qaadnay sidaan uga badbaadin lahayn shirqoolada Cadowga ummadda soomaaliyeed.

2) Sidoo kale waxaan ogaanay in ay ka faa’iido badantahay dilkooda in la badbaadiyo laguna guto dacwada iyo diinta u adeegeeda ka dib marka ay towbad keenaan.

3) Sidoo kale waxaan garwaaqsanay in Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyay aysan Mabda’ ka ahayn la shaqeynta Cadowga, balse ay ugeysay sababo ay ka mid yihiin Jahli iyo aqoon daro.

4) Waxaan kaloo ogaanay in dhalinyarada soomaaliyeed ee la marin habaabiyay ay gabaad u noqdaan cadowga iyo calooshood u shaqeystayaasha ku Mabda’ ah gaalada taas oo keentay in dhibaatooyinka ugu weyn ay soo gaarto iyaga sida:

1- Dhimasho aan xisaab lahayn
2- Dhaawac aan daryeel lahayn
3- Diin iyo dhaqan doorin
4- Bahdil ay si toos ah ugala kulmaan ciidamada gumeysiga Itoobiya
5- Iyo dhaqaalo la’aan.

6) Sidoo kale waxaan hubsanay in cadowga uusan wax dan ah ka lahayn dhalinyaradan in la dilo iyo in la daayo,iyada oo uu waliba cadowgu ku farxayo dilkooda.Intaa ka dib markii ay saraakiil ka mid ah Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed ay Waraysiyo ka qaadeen, xog muhiim ahna ay ka heleen, culimana talo ka waydiiyeen, isla markaana ay Odayaal Dhaqameedyo, waalidiin ka mas’uul ah iyo iyaga laf tirkooda ay balan qaadeen in aysan wax dhibaato ah ka imaanayn ayna cadeeyeen tobad keenkooda ayaa waxaan go’aansanay sii dayntooda.

Faa’iidooyinka ka dhalanaya sii dayntoodaSii daynta dhalinyaradan soomaaliyeed ee la marin habaabiyay faa’iidooyinka ka dhalan kara waxaa ka mid ah:-

1) waxay dhabar jab ku tahay Cadowga ku shaqeysanayay ee gabaadka ka dhiganayay, isla markaana ku gumaadayay kuna gumeysanayay shacabka soomaaliyeed.

2) Siidayntooda waxa uu badbaado aduun iyo aakhiro u yahay iyaga naftooda,diintooda,dadkooda iyo dalkooda.

3) Sidoo kale waxa yaraanaysa dhibaatooyinka kala duwan ee ay shacabka ku hayeen.

4) Waxay al-baabada u furayaan in kuwa iyaga la midka ah ee cadowgu ku shaqeysanayo ay ka soo baxaan kana waantoobaan

5) In la muujiyo sawirka dhabta ah ee xoogaga Mujaahidiinta soomaaliyeed kaas oo ah in ay badbaadiyaan dhamaan qeybaha Bulshada oo ay ka mid yihiin dhalinyaradan la marin habaabiyay.

Baaq

1) in ay ka waantoobaan kana toobad keenaan,anaguna aan u balan qaadayno inta karaan keena ah haday caddaato in ay ka toobad keenayaan in aan wax dhibaato ah loo geysanayn.

2) Jabhada islaamiga soomaaliyeed waxa ay aaminsantahay in lagu jihaado Gaalada ku soo duushay diinta Islaamka xasuuqaysana shacabka Soomaaliyeed, isla markaana bur-burin iyo boob ku wada dhaqaalaha iyo khayraadka dalka Soomaaliyeed, sidoo kalana uu dhiigooda banaan yahay cid waliba oo la shaqeysa kana dhago adaygta in ay ka toobad keento la shaqeyntiisa gumeysiga.

3) Waxaan ugu baaqaynaa Xoogaga Mujaahidiinta ee Jihaadka ku jira iyo Hogaamiyayaasha Qabiilada ee ku caan baxay diin jacaylka iyo guumeysi nacayb iyo waliba cid kasta oo soomaaliyeed oo gacan ka geysan karta badbaadinta walaalahooda soomaaliyeed ee la marin habaabiyay in ay ka soo baxaan Mas’uuliyadooda ka saaran harinitas si aan uga guulaysano illaahay idankiis Cadowgeena.

4) Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqaysaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Xoogaga Mujaahidiintaba in ay ku dhabar adaygaan hagar-daamooyinka arxan darada ah ee ka soo gaaraya gumeysiga iyo Dabo dhilifkiisa ee isugu jira:- Xasuuq, boobka, baro kicin, Kufsi iyo Xabsi intaba,una muuqata mid la mid ah dhaqanka Yuuda ay ku hayso walaalaheena Falastiin isla markaana ay alle ka baryaan in dhibaatada ka dul-qaado.

5) Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqaysaa Xoogaga Mujaahidiinta kale ee soomaaliyeed in ay saldhig ka dhigtaan ku dhaqanka Sharciga Islaamka isla markaana aysan Banaysan Dilalka aan sharciga iyo Maslaxada ku dhisnayn, ee aan ka soo fulin Culimadda Islaamka iyo ahlu Cilmiga, Isuna Muujiyaan dhamaan Mujaahidiinta Naxariista islaamka iyo isjacayl mu’miniinta taas oo keenaysa in la midoobo cadowguna si fudud ku jabo haddii alle idmo.

6) Ugu dambeyntii waxaan shacabka soomaaliyeed u sheegaynaa in aysan ku khaldamin in dalka ay ka jirto wax Dowlada la yiraahdo balse ay yihiin Calooshood u shaqeystayaa, Juhalo aan wax dan ah ka lahayn diinta islaamka, dalka iyo shacabkeena soomaaliyeed intaba.

Wabilaahi Towfiiq Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho – Soomaaliya

 SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: