Telefishinka Afka Somaliga ee Universal-TV oo diiday tebinta Bannaanbaxa Soomaalida ku nool Magaalada London.

Universal TV

Universal-TV

Halkaan ka akhri

Soomaalida Qurba joogga ah ayaa la sheegayaa inay dhaliilo u soo jeediyeen Telefishinka Universal-TV ee xaruntiisa tahay Magaalada London ee dalka Britain, islamarkaana ay inta badan daawadaan Soomaalida meel kastoo ay joogaan ayaa ku dhaqaaqay arin ay Umadda Soomaaliyeed si aad ah uga wada xumaadeen, taas oo aheyd inuu diiday gabi ahaanba baahinta wararka ku saabsanaa Banaanbaxyada ka dhanka ah Gumeysiga Itoobiya oo ka dhacayey guud ahaan Wadamada Yurub, gaar ahaan Magaalada London.
 
Dad xog ogaal u ah arrintan ayaa xaqiijinaya in Maamulka  wararka ee TV-ga Universal uu gaashaanka u daruuray tebinta Dibadbaxaasi ay Soomaalida ku nool Magaalada London ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo gabood-faladii ugu darnaa abid haatan ka wada gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ah.
 
Warku wuxuu intaasi ku darayaa Maamulka wararka TV-ga Universal, ayaa la sheegayaa in loo ballan qaaday kharash la xiriira is hortaagga bannaanbaxyada loogu soo horjeeda xulufada xasuuqaysa Umadda Soomaaliyed, balse ay gaashaanka u daruureen, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Maamulka Universal TV uu heshiis hoosaad la galay Dowladda FKMG ee Soomaaliya.
 
Talaabadan hakinta ah ee uu qaaday Maamulka Universal TV ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday Umadda Soomaaliyeed ee ku xirnaa Daawashada TV-ga, iyadoo taasina laga yaabo in ay wax u dhinto kalsoonidii dhex-dhexaadnimada ee ay Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ku qabeen wararka Telefishinku uu baahiyo 24-ka saac ee ku saabsan arimaha Soomaaliya.
 
Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Maamulka Tv-gaasi uu sidoo kale Shaqada ka eryey dhowr wariye oo caan ah sababta arrintan awgeed.
Sida aad la socotaan MilkiilahaTvga Universal oo ah nin dhallinyaro ah oo aad u feejigan, ayaa wuxuu had iyo jeer isku dayaa inuu si caddaalad uga adeego bulshaweynta Soomaaliyeed in Tvguna uu noqdo mid dhex-dhexaad ah.

Sanadguuradii labaad ee Tvga Universal ayaa 14ka bishan loo sameeyey dabaaldeg aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo hay’ado Warbaahineed ee ka howlgela dalka Ingriiska.

SomaliSwiss London

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: