Ciidamo aad u careysan oo lawareegay Xafiisyadii maamulka Gobalka Hiiraan ee magaalada Balad-weyne.

Baladweyn

Balad-weyne

 Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Balad-weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Boqolaal katirsan Ciidamada booliska dowlada KMG Soomaaliya in ay maanta la wareegeen saldhigyo iyo xafiisyo uu lahaa mamaul gobalka hiiraan.

Duhurnimadii maanta ayay Ciidamo gadoodsan waxay xoog ku galeen saldhiga booliska magaalada Balad-weyne iyo Xafiiska gudoomiyaha gobalka Hiiraan Yusuf Dabageed, iyagoona qaatay wixiin yiilay Xafiisyadaasi.

Sida ay kusoo warameen dad ku sugan magaalada Balad-weyne waxey sheegeen in Ciidamadan xafiisyadii ay burburiyeen iyagoo ka caraysan lacagihii ay qaadan jireen oo aan la siin mudo 3-bilood ah, taasoo keentay in ay gadood sameeyaan, rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada B/weyne ilaa iyo hada majiraan wax katirsan maamulka gobalka Hiiraan oo la hadlay Ciidamadan gadoodka wado xili ay xoogaga Muqaawamada Soomaaliya ku sii faafeen gobalka Hiiraan.

Maaha markii ugu horeysan ee ay ciidamo gadoodsan sidan oo kale dhibaato sameeyaan ama ay qabsadaan xafiisyo ay leeyihiin maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo dhowaan ciidamo careysan ay la wareegeen degmada Buula-Barde.

SomaliSwiss Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: