Golaha Amniga ee Midowga Afrika oo ka hadlay xaaladda Nabad gelyo ee dalka Soomaaliya, kuna tilmaamay tan ugu xun.

afrika-union.jpg

African Union

 Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanayo Xarunta Midowga Afrika ee Adis Ababa ayaa sheegaya in Golaha Amniga ee Ururka Midowga Africa uu ka walaacsan yahay Xaaladda Dalka Soomaaliya sida ay tahay, waxayna ku tilmaameen xaaladaha Nabad-gelyo darro ee ka jira  ay tahay tan ugu daran Qaaradda Afrika.

Qoraal ka soo baxay Golaha Ammaanka Midowga Afrika oo laga soo saaray Xaruntiisa Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in dhibaatada Soomaaliya lagu xalin karo dib u heshiisiin siyaasadeed oo ay ka qeyb-galaan dhinacyada Soomaaliya isaga soo horjeeda, taasi oo haddii ay dhacdo uu Goluhu sheegay in uu soo af-jarmayo khilaafka gacan ka hadalka gaaray ee ay ku barakaceen dadka ka badan Nus Malyuun Ruux tan iyo Bishii Febraayo ee sanadkan.

War saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Ammaanka Midowga Afrika waxaa lagu dhaliilay beesha caalamka oo aan gacan ka geysan sidii wax looga qaban lahaa dagaallada ka dhacaya Soomaaliya ee u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia oo isku dhinac ah iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Midowga Afrika  oo laga sugayay in uu ciidamo gaaraya 8,000 oo Askari  u diro Soomaaliya ayaan ilaa iyo haatan Ciidamadaas dirin marka laga reebo 1,600 Askari oo ay Dowladda Uganda u dirtay Soomaaliya, kuwaasi oo xitaa uu kooban yahay howlgallada ay ka sameeyaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Balse Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicolas Bowakira oo dhawaan booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalal ay ka mid yihiin Burundi, Ghana iyo Nigeria ay Soomaaliya Ciidamo u dirayaan, walow uu sheegay in ay Ciidamadaas qaarkood u baahan yihiin dhaqaalihii Soomaaliya lagu geyn lahaa.

Hase ahaatee, Golaha Ammaanka Midowga Afrika ayaa la filayaa in bisha soo socota ee Janaayo 2008 uu shir ka yeesho Arrimaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciidamada Midowga Afrika ee haatan ka howlgelaya Muqdisho oo mudada joogitaankooda ay sii dhamaaneyso, iyadoo sidoo kalena uu Goluhu diyaarinayo qorshe ciidamo dheeraad ah loogu dirayo Soomaaliya.

SomaliSwiss Adis Ababa

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: