Ciidamo tiradoodu gaaraya 270 Askari oo laga soo ceyriyey Xerada Villa Baydhabo.

ciidamo4.jpg

Ciidamadii

 Halkaan ka akhri

Ciidamo ka tirsan Xooga dalka oo ay tiradooda dhan tahay 270 askari ayaa maanta laga ceyriyay Xerada Villa Baydhabo oo ciidankaasi ay deganaayeen mudooyinkii ugu danbeeyay kadib markii lagu eedeyay in ay hal beel u badan yihiin.

Sarkaal lagu magacaabo Max’ud Xasan Axmed oo ka mid ahaa Cidankii maanta laga saaray xarunta Villa Baydhabo ayaa ku eedeeyay tallaabadaasi saraakiisha kala ah Saalax Liif iyo Faarax Qare oo uu sheegay in hab beeleed ku faquuqeen Ciidankaasi.

Waxaa uu sheegay in Faraxa Qare sarkaalka lagu magacaabo uu u sheegay in ay ka baxaan Goobtaasi maadaama Ciidankooda uu u badan yahay Hawiye sidaasi daraadeedna meesha looga soo saaray.

Mar qura ayaa saaka lagu arkay Ciidamadaasi oo wadada ku sugan markii ay ka soo baxeen Xerada Villa Baydhabo waxaa ay soo aadeen guryahoodii iyagoo sita hubkoodii iyo dareeskii Ciidamada.

Tallaabadan faquuqida ah ayaan ku Cusbeyn siyaasadda dawladda Federaalka Somaliiya,maadaama ay ka buuxaan dawladda saraakiil wali ay ku danbeeyaan Cunsuriyadda iyo qabyaalada kuwaasi oo iska dhigaya Masuuliyiin qaran.

SomaliSwiss Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: