Burcadii Afduubday Journalistihii Faransiiska ahaa oo shuruud ku xirtay sii deyntiisa.

jornalistafdub.jpg

Afduubkii Suxufiga

 Halkaan ka akhri

Qalabka warbaahinta Caalamka ayaa si xoog leh u hadal haya Afduubka loo gaystay Journalistaha u dhashay dalka Faransiiska, hase yeeshee Wakaalada wararka ee Reuters ayaa soo bandhigtay sawirkii ugu horeeyay ee laga soo qaado weriye Gwein Le Goul oo Hoos gunti ama gò macawis  ah loo xiray, kuna sugan meel hoose oo god ah oo loo maleeyo buuraleyda Mareero oo 30-km u jirta Magaalada Boosaaso.

Wafdi  aad u balaaran oo ka socda dalka faransiiska ayaa shalay waxay ka dageen airporka magaaladda bosaaso, socdaalkooda ayaa wuxuu la’xiriiraa afduub loo geystay suxufi lagu magacaabo gwen le gonil oo u dhashay wadanka France oo sida la sheegay “koox burcad badeed ah in mudo ah ku heysteen duleedka magaaldda bosaaso”.

Suxufigaan ayaa socdaalkiisa la’xiriiray barnaajimyo la’xiriira sida ay dadka ku le’da tahriibta iyo doonyaha ay raacaan in uu ka sameeyo barnaamijo, ayaa koox burcad ah af duubteen isla’markaana ku xireen in la’baxsho lacag madax furasho ah oo dhan 80,000$. 

Sidoo kale ka dhacday xeebta magaaladda bosaaso ka dib markeey burcad badeed afdub u geesatay markab kiimikadda qaada oo laga lahaa wadanka japan taas oo keentay in maraakiibta dagaalka ay soo gaaraan wadamadda maraynka, germany taas oo sidaan oo kale u codsadeen madax furasho wada hadal badan ka dibna la lasii daayay ayada oo maamulka puntland aysan waxba kala socon waxa ay ku heshiiyeen burcadii markabka haysatay iyo wadanka japan.

SomaliSwiss Bosasso

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: