Weriyeyaashii ka barakacay xasuuqii Muqdisho kuna sugnaa Hargeysa oo u sii cararay dalka Jibouti.

Somali Radios

Somali Journalist

Halkaan ka akhri

Weriyeyaashii ka cararay Muqdisho ee gaaray magaalada Hargeysa ayaa maanta halkaasi ka ambabaxay, iyagoona kusii jeeda dalka Jibouti, ka dib markii sida ay sheegeen ay martiqaad ka heleen dowladda Jibouti.

Illaa 14 ka mid ah 21 Weriye oo ka howl galayay magaalada Muqdisho, isla markaana ka cararay rabshadaha ka jira magaalada ayaa maanta halkaasi uga sii ambabaxay dalka Jibouti.

Wariyeyaashaasi ayaa sheegay in tixgalintaasi ay ka heleen wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Jibouti, ka dib xiriiro ay la sameeyeen dowladda Jibouti.

Waxay sidoo kale tilmaameen in ay balan qaad ka heleen wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Jibouti, Yaasiin cilimi, iyagoona maanta safar dhinaca dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Max’ed Faarax Talyaani, oo ka mid ahaa howl wadeenadii Idaacadda Simba ayaa sheegay in sababaha halkaasi ay uga sii ambabaxayaan, isagoona sheegay in arrintaasi ay timid ka dib markii maamulka Somaliland uu soo saaray in Wariyeyaashaasi ay isaga baxaan halkaasi.

Tan iyo markii ay soo kordheen xasaradaha isasoo taraya ee ay ku waxyeeloobeen qaar ka mid ah howl wadaanada Idaacadaha ka howl gala magaalada Muqdisho, ayaa Wariyeyaashii ka howl galayay qaar ka mid ah Idaacadahaasi waxay bilaabeen in naftooda ay la baxsadaan.

17 sano ayaa saxaafadda Somalia waxay ku shaqeyneysay marxalad adag, oo isugu jira dil, handadaad, jirdil iyo Caga-jugleen oo ka dhan ah xoriyadda saxaafadda, balse sanadkii ugu dambeeyay ee 2007 sidii ay ciidamada gumeysiga Ethiopia u qabsadeen wadanka Soomaaliya ayaa inta badan waxay aad ula kulmeen xasuuq aad u baahsan oo isugu jira, Dil, Jir-dil, Xarig, kaasoo dhaliyay wariya yaasha intii ku harsaneyd Muqdisho isaga baxaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: