Saladhigga degmada Hodan oo maanta la weeraray, kuna dhintay mid ka mid ah Askarta dowladda.

bolisska-d.jpg

Boliska Dowladda

 Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Barqanimadii Weerar loo adeegsaday Bam-gacmeed, lagu qaaday Saldhiga Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo sababay inuu ku dhinto mid ka mid ah maleeshiyada dowladda ka tirsan.

Weerarka ayaa ka dhacay Saldhiga dhanka soo xiga Xaafada bermuuda, waxaana halkaasi ku geeriyooday qof ka tirsan Maleeshiyada dowladda oo goobtaas ku sugneyd,bale warku wuxuu intaa ku daray in Ciidanka dowladda ay rasaas ku fureen maleeshiyadii kale iyadana ay sababtay dhaawaca haweeney rayid ah oo goobtaas ka agdhoweyd.

Sidoo kale Maleeshiyada dowladda waxa ay fureen rasaas kale oo aad u xoogan inkastoo aysan cid kale ku waxyeeloobin halkaasi marka laga reebo haweeneydaasi, waxaana daqiiqado kadib ay halkaasi ka qaateen meydkii Saaxiibkooda.

Sidoo kale markii ay halkaasi isaga tageen ayaa waxaa iyana halkaasi laga soo qaaday haweeneydii dhaawaca aheyd oo iyaduna ay dadka deegaanka saareen gaari loona dhaadhiciyay dhanka Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Inta Badan maleeshiyada dowladda ayaa dhibaatooyin xoogan waxa ay u geystaan shacabka xilliyada ay weerarada ku soo qaadaan Xoogaga ka soo horjeeda mana jirto cid is-weydiisa dhibaatada ay geystaan maleeshiyada dowladda sida dhaawacyada ay u geystaan dadka rayidka ah ee aanu waxba galabsan.

SomaliSwiss Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: